Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku tegay dalka Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray Dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono Madaxweynaha Dowladda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Madaxweynaha Soomaaliya inta uu ku gudo jiro Booqashadiisa waxaa uu khudbad ka hadleyso xaaladda Dalka ka horjeedin doona Baarlamaanka Jabuuti ,sido kale waxuu ka qeybgali doonaa Xaflad uu Madaxweynaha Jabuuti uu ku daah furayo Dekad Cusub.

Booqashada Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya uu ku tagay maanta Dalka jabuuti ayaa naqoneysa tii ugu horeesay ee uu ku tago Dalka jabuuti tan iyo markii ladoortay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay safaro ugu tagay dalalka Urdun, Imaaraadka Carabta, Kenya, Sucuudiga , Turkiga , Itoobiya iyo UK.

Madaxweynaha ayaa sheegay in jeedka Safarada badan looga kol leeyahay horumarinta Xiriirka Caalamiga ah.

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...