Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Magaalada Nairobi uga qeybgalaya Shirka IGAD

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Nairobi.

Wafdiga madaxweynaha uu hoggaaminayo ayaa wuxuu ujeedkiisu yahay sidii ay uga qayb geli lahaayeen shirka Hoggaamiyeyaasha Xubnaha ka ah Dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD, kaas oo ka furmi doona todobaadkan gudihiisa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaybta ka ah ururka eek a soo qayb geli doona shirka.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline