Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi hoggaaminayo oo gaaray Gaalkacyo

Ilwareed Online –

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka soo kicitimay magaalada Boosaaso ayaa la filayaa inay caawa ku hoydaan magaalada Gaalkacyo.

Waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maaamulka Gobolka Mudug ee labada dhinac.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Gaalkacyo kula hadli doona Fagaaraha Kamaaludiin, halkaasoo boqolaal shacab isugu soo baxeen.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu uga gudbo Gaalkacyo, deegaanada kale ee Galmudug, sida Cadaado, Caabudwaaq, Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...