var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxweyne Dalka K/Afrika Jacob Zuma oo mooshin laga keenay

Xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa soo bandhigay mooshin ka dhan ah madaxweyne Jacob Zuma.


Xisbiga ANC xubno ka tirsan waxay soo hordhigeen kulanka golaha fulinta ee xisbiga, kaasi oo uu albaabsda u xiryahay isla markaana aan saxaafadda loo ogolayn.
Madaxweyne Jacob Zuma ayaa cadaadiska cirka isku sii shareeray kaddib markii mid ka mid ah wargeysyada dalkaasi ka soo baxa uu daabacay farriimo dhanka intarneedka ah oo sida la sheegay muujinayay in Zuma uu doonayo inuu dalka ka baxo isla markaana uu hoy ka dhigto magaalada Dubai.
Dhanka kale Afhayeenka madaxweyne Zuma ayaa beeniyay eedeymahaasi, wuxuu ku tilmaamay kuwa been abuur ah oo la doonayo in lagu waxyeeleeyo sumcadda madaxweynaha, iyadoo lagu eedeynaayo Madaxweynaha fadeexado musuqmaasuq iyo qaabka uu u maareeyo dhaqaalaha dalka.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: