var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo gaaray heshiisyo muhiim ah + Sawirro

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Uhuru Kenyatta madaxweynaha dalkaasi iyagoona gaaray heshiisyo labada dal muhiim u ah.

Aqalka Madaxtooyada Kenya ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo, halkaasi oo kulamo kala duwan kula qaatay madaxda Dowladda Kenya oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Madaxda labada dal ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan xiriirka labada dal sida horumarka kheyraadka labada dal, xoolaha, kalluunka, iskaashiga dhinaca ammaanka iyo arrimo kale.

Arrimaha ugu waaweyn ee labada Madaxweyne isla saxiixeen waxaa ka mid ah: sidii loo qaadi lahaa xayiraadda duulimaadyada Soomaaliya, isla markaana la joojiyo baaritaanada lagu marsiiyo garoonka diyaaradaha Wajeer.

Waxaa kale oo labada madaxweyne isla garteen in duulimaadyada Soomaaliya lagu kontroolo magaalada Muqdisho isla markaana si toos ah uga degaan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, iyadoo heshiiskaasi ay ka qeyb galeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada dowladood.

AKHRISO  Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Madaxweynaha Puntland.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: