var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxweynayaasha Somalia & Kenya oo maanta kulamaya & Heshiisyo ay kala saxiixan doonan.

0

Maxamed C/llahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Booqasho Shalay ku tagay Dalka Kenya, waxaana la filayaa inuu maanta la kulmo Dhigiisa Dalka Kenya Uhuru Kenyata.


Kulanka labada Madaxweyne ayaa ka dhici doona Xarunta Madaxtooyada Nairobi, halkaasoo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku soo dhoweyn doono dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo.
Madaxweynayaasha labada dal Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka hadli doona xiriirka labada dal, ammaanka, iskaashiga, ganacsiga iyo arrimaha qaxootiga, waxaana kulamadooda kaddib ay qaban doonaan shir jaraa’id.
Waxaa sidoo kale waxaa jiri doona heshiisyo labada dal ay kala saxiixan doonaan, iyadoo la fulinayo qodobo ka mid ah heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho bishii September ee sanadkii hore.

Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa inay qeyb ka fuliso qodob ka mid ah heshiiskii Muqdisho ee ku saabsanaa dhinaca socdaalka, iyadoo diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya lagu baaro garoonka Wajer, taasoo horay dowladda Federaalka cabasho uga keentay,wuxuuna madaxweyne Farmaajo 25-ka bishan ka qeyb geli doona shir madaxeedka IGAD ee looga hadlayo arrimaha Qaxootiga.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.