var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Masar

Ilwareed Online

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kadib markii uu saakay ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Qaahira ee dalkaasi Madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Masar C/fitaax Al-siisii, iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Masar.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ku wehliya Wasiirka arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa safarkiisa waxa uu ku qotomaa casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha dalka Masar C/fitaax Al-siisii.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay waxa uu kulan gaar ah la qaadan doonaa Madaxweyne C/fitaax Al-siisii, waxayna labada dhinac ka wada hadli doonaan xiriirka labada dalka, gaar ahaan dhismaha Ciidamada xoogga dalka.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar, ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan Masar ku wargelisay inay ka soo qayb galaan kulan ka dhici doono Markaz Mutamataad Al-Azhar Qaacada Fusdhaad, halkaasi oo Madaxweynaha Soomaaliya Isniinta kula hadli doono dadka Soomaliyeed.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: