var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxweynaha Puntland oo socdaal degdeg ah ku tegay dalka Itoobiya

Madaxweynaha maamulka Puntlaand C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Safarka Gaas ayaa la sheegay in uu ku wajahanyahay wadanka Itopia halkaa oo uu kulamo ku yeelan doono masuuliyin ka tirsan doowladda Itopia.

Dhinaca kalana waxaa la sheegay in madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas kedib tegitaankiisa dalka Itopia uu u sii dhoofi doon Imaaraadka Carabta.

Isaga oo suxufiyiinta kula hadlay garoonka magaalada Boosaaso ee gobalka Bari markii uu ka amababaxayay ayuu sheegay in isaga iyo weftiga uu hogaaminayo ay isku mari doonaan Iptoopia iyo Imaradka Carabta.

Waxaana uu sheegay in ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta wadamada ay tagayaan kalana hadlayaan arimo khuseeya horumarka maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha ee maamulka Puntland.

AKHRISO  C/raxmaan Dheere: “Talaabo ayaa laga qaadayaa Diyaaradaha aan marin Nidaamka sharciga Duulista”

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: