Madaxweynaha Puntland oo Salaada Ciida bulshada kula dukaday magaalada Gaalkacyo+Sawirro

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo magaalada Gaalkacyo Shacabka kula ciiday ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda maalinta barakaysan ee #Ciidul_Adxa.

Madaxweyne sidoo kale waxa uu bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si loogu nolaado nabad iyo barwaaqo.

“Ugu horeyn hambalyo ayaan idin leeyahay farxadane waa idinla qeyb-saneynaa waxaana idinka rabnaa inaad la shaqeyaa ciidamada kal duwan si ay u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta bad-qabdka bulshada ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Punland Dr. saciid Cabdullaahi Deni ayaa yiri “Waxaan alle ka baryeynaa in Ciidaan teeda kale nabad iyo barwaaqo iyo guud ahaan dalka oo nabad ah samo nagu gaarsiiyo insha allah.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline