var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxweynaha Hirshabelle oo si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada B/Burde+Sawiro

Ilwareed Online

Wafdi Balaaran oo uu horkacayo Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabelle ayaa maantasi diiran loogu dhaweeyay Degmada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabelle wuxuu la kulmay Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Buulo Burde, Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Jabuuti, kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Buula-barde.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa madaxda iyo Bulshada uu la kulmay kala hadlay Go’doominta Al-Shabaab ay ku hayaan Magaalada Buula-barde iyo sidii looga qaadi lahaa gebi ahaan dagmadaasi, wuxuuna sheegay inuu dhawaan tagi doono Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo ay hadda ku sugan yihiin Maleeshiyaad taabacsan Al-Shabaab.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: