var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxweynaha cusub ee Galmudug oo maanta lagu caleema saarayo magaalada Cadaado + Sawirro

Magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah maamulka Galmudug waxaa maanta ka dhaceysa munaasabad lagu caleema saarayo Madaxweynaha cusub Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), waxaana xalay halkaasi ka dhacay kulan uu ka qeyb galay Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Cabdi Faarax Saciid (Juxa), wafdi uu hoggaaminayo iyo madax ka tirsan maamulka Galmudug.

Wufuud ka socota maamul goboleedyada dalka ayaa ka qeyb gelaya xafladda caleea saarka madaxweynaha Galmudug, iyadoo la filayo inuu ka qeyb galo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madax kale.

Munaasabadda caleema saarka oo horay dhowr dib ugu dhacday ayaa la filayaa inay khudbado kala duwan ka jeediyaan Madaxweynaha Galmudug, madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Dhinaca kale munaasabadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu weli taagan yahay khilaafka u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna oo wadahadallo ay Muqdisho ku yeesheen fashil ku dhammaaday.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: