Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Magaalada Riyaadh kula kulmay Dhiggiisa Maraykanka.

Madaxweynaha J.F.Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan ku yeeshay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Arabiya.

Shirka labada Madaxwayne oo ahaa mid waqti kooban socday ayaa dhacay,kadib shir madaxeedkii Madaxda dalalka Islaamka iyo dowladda Maraykanka.

Mudane Farmaajo wuxuu ka codsaday dowladda Mareykanka in Soomaaliya gacan weyn laga siiyo sidii Al-Shabaab dalka looga cirib tiri lahaa.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa ballan qaaday in si buuxda ay Dowladiisa kaga taageerayso dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulanka labada Madxwayne kadib,ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in uu kala hadlay Donald Trump kaalinta Mareykanka ka qaadan karo arrintan, iyo sidii loo dar dar gelin lahaa la dagaalanka Shabaab.

Shirkan labada Madaxwayne ayaa ah kii ugu horeeyay ee ay ku kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...