Madaxda Maamulka Hirshabelle oo maanta bukaano ku booqday isbitaal Madina

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshaelle Maxamed Cabdi Waare,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa maanta si wadajir ah ugu booqday isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho ciidamo ku soo dhaawacmay gobolka Hiiraan.Madaxda Hirshabelle ayaa mid mid u booqday bukaanadan waxaana ay gaarsiiyeen lacago deeq ah oo ay ugu talogaleen bukaanada iyadoo bukaanadan ay yihiin ciidamo ku soo dhaawacmay dagaal ka dhacay dhowaan deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Hadal gaaban oo ay madaxdan jeediyeen booqashadooda kadib ayaa waxa ay si wadajir ah ugaga tacsiyeeyeen ciidamadii ku dhintey dagaalkii ka dhacay Moqokori, waxayna sidoo kale eebee ugaga baryeeyeen bukaanada dhaawacyada inay caafimaad deg-deg ah helaan.

“Ciidamadii ku dhintey dagaalada Hirshabelle waa shahiid kuwa dhaawaca ah xanuunka ayaan la qeybsanaynaa wixii uu maamulka qaban karana waxba ka hagran maayo.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo hadlay ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah ay ku dadaali doonaan sidii wax loogu qaban lahaa.

“Waxaan diyaar u nahay in aan wax walba u sameyno ciidamadeena ku dhaawacmay daafaca dalka haddii ay jiraan qaar u baahan in dibadda loo qaadana waxaan kala kaashan doonaa dowlada Federalka.”ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Ehelada bukaanada ku jira isbitaalka ee ay maanta madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabelle booqashada ugu tageen ayaa u mahadceliyay madaxda waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin in maamulka Hirshabelle uu marwalba u taagan yahay sidii uu ula socon lahaa ciidamada ku soo dhaawacma dagaalada lagula jiro Alshabaab.

Booqashada isbitaalka ay maanta ku tageen madaxda ugu sareysa Hirshabelle ayaa waxaa kamid ah wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Cali Caadle iyo wasiiro kale oo ka mid ah golaha wasiirada Hirshabelle.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline