var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxda maamul goboleedyada qaarkood oo saf u galay la kulanka Xoghayaha Arr. dibeda Britain *Sawiro*

Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka jira ayaa maanta saf u galay la kulanka Xoghayaha arrimaha dibeda Britain oo maanta booqasho maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Madaxda Maamul goboleedyada Juballand, Koonfur galbeed iyo Hirshabelle Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo Cali C/llaahi Cosoble ayaa tegay safaarada Britain ku leedahay Muqdisho si ay ula kulmaan Boris Johnson, waxaana qaarkood ay magaalada u yimaadeen la kulanka wasiirka.

Boris Johnson ayaa madaxdan Soomaalida ah la qaatay kulan safaarada UK ee Muqdisho ay ku tilmaantay shaah wada cabis, iyadoo madaxdan oo wasiirku uusan ku talo gelin kulankooda lagu qaabilay goob ay ku nastaan shaqaalaha Safaaradda.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa looga bartay iney barbar yaacaan Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha dalka marka ay magaalada Muqdisho yimaadaan wufuud heer caalami ah, iyagoo ujeedadoodu tahay iney kaamirada kala soo muuqdaan.

AKHRISO  Madax ka tirsan Imaaraadka Carabta oo ka badbaaday isku day dil duleedka Muqdisho

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: