var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxa xuquuqul insaanka QM oo Itoobiya booqanaya, kalana hadlya Tacadiyada ka dhacaya dalkaasi

Zeid Racad Al Xuseyn Madaxa xuquuqda aadanaha ee QM ayaa todobaadkan booqan doona Itoobiya, kadib markii ay xukuumaddu casuntay. sidaa waxaa lagu sheegay qoraal xafiiskiisa ka soo baxay.

Socdaalka Zeid Racad Al Xuseyn ayaa ku soo aadaya todobaad kadib markii Ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn uu ku gacan sayray baaqyo sheegayey in baareyaal madax banaan loo ogolaado inay eegaan jawaabtii ay ciidanka amnigu ka bixiyeen mudaaharaadyadii xukuumadda looga soo hor jeeday ee boqolaalka qof ay ku dhinteen.

Madaxa xuquuqda aadanaha ee QM Al Xuseyn ayaa isaga ku baaqay baaritaan madax banaan, laakinse weli ma cadda in safarkiisa uu dhabbaha u xaari doono in baareyaal Qaramada Midoobay ka socda loo ogolaado inay halkaa tagaan.

Dhanka kale qoraalka Madaxa xuquuqda aadanaha ee QM ayaa lagu sheegay inuu la kulmi doono ra’iisul wasaaraha, oo uu kala hadli doono xaaladda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya, iyadoo todobaadyo ka hor ayaa guddiga xuquuqda aadanaha ee u janjeera dhanka xukuumadda Itoobiya wuxuu soo saaray warbixin sheegaysa in 669 qof oo 63 ka mid ah ay Boolis ahaayeen ay ku dhinteen mudaaharaadyadii billowday November 2015.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: