Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Madax ka socota ururka Midowga Afrika oo Madaxda Soomaaliya kala hadlay arrimo la xariira Ciidamada AMISOM.

Ilwareed Online –

Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Wafdi ka socda waaxda nabad gelyada ee Midowga Afrika, kuwaasi oo u kuurgalaya xaaladda ammaan ee Dalka iyo heerka uu gaarsiisan yahay wax qabadka ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka iyo kuwa Millitiriga Soomaaliya.

Mdaxdaan oo ka kooban 10-qof ayaa dalka joogi doona muddo Afar Cisho ah, waxayna kulammo kala duwan la yeelan doonaan saraakiisha ugu sarreysa AMISOM, xafiiska taageerada Soomaaliya ee UNSOS iyo wakiillada waddamada ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada ee TCC loo yaqaan.

Wafdigaan ayaa waxay la soconayaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin hawlaha nabad-ilaalinta, guulaha la gaaray , caqabadaha ka jira Soomaaliya iyo sidii ay mas’uuliyadda ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen Ciidamada Soomaaliya.

Dhanka kale Bisha 3-aad ee sanadkaan ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay ku kulmaan Ururka Midowga Afrika, madax ka socota wadamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo Madaxda ugu sareyso dowlada Soomaaliya, shirkaas ayaa waxaa looga hadli doonaa arimo dhowr ah oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...