var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaafiic lagu weeraray Saldhiga Ciidamada AMISOM ee Deegaanka Leego

Madaafiic lagu weeraray Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Deeganka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa tiro Madaafiic ah ku weeraray Saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaafiicda kadib ayaa weerar fool ka fool ah waxa uu ku dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo Al Shabaab.

Ilo deegaanka ah oo diiday in Magacooda loo adeegsado Qalabka Warbaahinta ayaa sheegay in tiro Madaafiic ah ay ku dhaceen Xarunta Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Leego, sidoo kalana Rasaas xoogan ay isku weedaarsadeen Al Shabaab iyo Ciidamada AMISOM.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay Weeraradaasi Madaafiicda iyo dagaalka fool ka foolka ah ee ka dhacay deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: