var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Machadka RIFTVALLEY iyo Dalada SOYDEN oo soo Bandhigey Daraasad ka hadleysa Saameynta Raga ay ku yeesheen Dagaalada

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtey Bandhig daraasad ku saabsan Saameynta Ragga ay ku yeesheen Dagaaladii gaar ahaan Amniga iyo Dhaqaalaha waxaana Bandhigaas ka qayb galey Xldhibaano, Aqoonyahano, qaybaha kala duwn ee Bulshada.

Daraasadaan oo ay iska kaashadeen Mahadka RIFTVALLEY Iyo Daladda Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN waxaa Dulmar ku saabsan daraasada ka soo jeediyey Ibraahim Cali Calas oo sheegey in Daraasada markii la Ururrinayey waxaa ka qayb galey ilaa Afar Boqol (400) oo qof kuwaa oo wax laga weydiiyey sameeyna ku aadan raga ee Amaanka iyo Dhaqaalaha.

“Daraasadaan waxaa laga sameeyey Soomaaliland , Pundland, Bartamaha Koonfurta Soomaaliya iyo Kenya Gaar ahaan Xeryaha Qaxootiga waxaana Fuliyey 12 qof 8 Wiilal ah iyo 4 Gabdhood” ayuu yiri Mudane Calas oo intaa Raaciyey “ Daraasada waxaa ku jirey Nin Nolol Fiican haystey oo ku biirey jabhadihii wuxuu islahaa Nolashaan mid ka wanaagsan baad Heleysaa taasi ma noqon waa ku dhaawacmey wuxuu galey nolol ka liidata tii hore”.

Yuusuf Maxamed Barre oo ka mid ahaa dadkii Daraasadaas ka soo shaqeyey ayaa isna ka qayb galayaasha la qaybsadey waxa ay la Kulmeen intii ay daraasdaas wadeen isagoo sheegey in ujeedka daraasada ay tahay in aan dib loogu noqon dhibaatooyinkii la soo marey Taariikhna ay noqoto.

Cismaan Muxyadiin Shaatax oo ah Gudoomiyaha Dallada SOYDEN oo ka hadley soo bandhigida daraasdaas ayaa u mahadceliyey Machadka Riftvalley wuxuuna hoosta ka Xariiqey in Daladiisa ay Machadka u qaabilsaneyd Fududeynta Daraasada waxaa u mahadceliyey intii ka qayb qaadatey Daraasada sidoo kale waxaa uu sheegey in talooyinkii lagu biiriyey Daraasada ay qaadan doonaan.

Ka qayb galayaasha soo bandhigida Daraasdaas waxay sheegeen in Daraasdaan loo baahnaa in mar hore laga soo shaqeeyeeyo si ay Cashar ugu noqto Bulshada Somaaliyeed , waxayn daraasdaan qayb ka ahayd mid Machadka Riftvalley uu ka sameeyey haweenka Soomaaliyeed saameynta Amaanka iyo Dhaqaalaha.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: