var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

MAANA FAAY WAA SHEEKO QARAN, MANA MUDNA INAY BURCAD BILILIQEYSATO!

0

Ilwareed Online –

Xishood la’aan, garasho xumo iyo faham daro xoog badan ayaa wali haysata qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, sheegasho darajo been abuur ah, xatooyo iyo burcadnimo inta badan waxaa lagu yaqiinay ragga gayigeena, dumarka qaarkood ayaa Dawladnimo la’aanta baahdey darteed waxay gayaysiisay inay bililiqeystaan hanti aaney laheyn.

Taariiq ahaan burcadda sannadahaan dambe ka hana-qaaday Wadankeena waxaa kamid ah burcad baddeed, burcad siyaasadeed, burcad saxaafadeed, burcad dhaqameed, burcad ganacsiyeed iyo burcad kale oo la mid ah, nasiib daro burcadaasi oo horey qaati looga taagnaa ayaa haatan waxaa ku soo biirtey burcad cusub oo loogu wanqalay burcad qalimeed.

Dhaqan ahaan burcada qalinka ayaa u muuqata inay iminka ku soo xoogaysanayso Soomaaliya, dhawaan ayaa laga war helay gabar ku cusub qoraalka oo si burcadnimo ah u xadey qoraalka sheekadii caan baxdey ee Maana Faay, Gabadha boobtey sheekadaasi ayaa isku dayday si ay ummadda u qalado inay badasho magacii sheekada.

Isbadal waxay ku sameysay Sawirka hore ee sheekada iyo magacyadii ay ku socotey silsilada Maana Faay hase yeeshee qoraalka intiisa kale waxay ka soo minguurisay Buuggii Maana Faay, Sheekadii Nasriin ayay ula baxdey, dhawr qeybood oo ka mid ah sheekadaasi ayay ku soo daabacday Facebook ay ku leedahay Baraha Bulshada.

La yaab, naxdin iyo amakaag ayay ku noqotey bahda qalinleyda Soomaaliyeed in gabadh ay ku dhiirato inay si akhlaaq daro ah u bililiqaysato sheeko aaney maskeeda ka tuujin, qorayaal fara badan oo arintaan ka carooday ayaa gabadhaasi isugu darey caqli celin, cambaareyn iyo digniin ku saabsan inay ka waantowdo falkaasi ay ku dhaqaaqdey, tallo ahaan waxaa loo soo jeediyay gabadhaasi inay cudur-daar ka bixiso falka guracan oo ay ku dhiiratay.

Maan Faay waa sheeko macruuf ka ah bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda qiimo badan ku leh, sheeko Qaran inay tahay ayaa horey loogu aqoonsadey, ixtiraam, sharaf, xaq dhawr, amaan, duco iyo tixgalin gaar ah ayuu Soomaaliya ka mudan yahay qoraaga Maan faay oo sidoo kale qorey sheeekadii Galti Macruuf, Buuggii Dal Dad Waayay iyo Dunni Damiir Beeshay iyo qoraalo kale oo badan, raali galin aad u buuran ayaa loo direy Dr. Maxamed Daahir Afrax, iyadoo lala wadaagayo sida looga wada xumaadey tuuganimada lagu sameeyay Buuggiisii Maana Faay.

Waji xumo, ceeb iyo sharaf dhac ayay gabadha xadey sheekadi Maana Faay u horseedysaa haweenka Soomaaliyeed ee qiimaha badan, sharci ayaa Dunida ka yaalo in la bililiqeysto qaraal aadan laheyn.

Maxkamad ayaa la isu soo taagaa, magdhaw ayaa la iska qaadaa falalaka sidaasi oo kale ah, waa aafo Qaran in dadkeena qaarkood ay iska qaataan qoraal ay cid kale xuquuqdiisa leedahay, si looga hortago dhacdadaan oo kale waxaa waajib ah in ruuxii lagu helo loola dagaalamo si naxariis la’aan ah isla markaana lala tiigsado Cadaaladda.

Waxaa Qoray:
C/llaahi Sheekhaalow


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.