var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Maamulka Puntland oo Dekadda Boosaaso ku wareejisay Shirkadda DP-World

Ilwareed Online

Munaasabad ka dhacday Dekadda Boosaaso ayaa maamulka Puntland waxay maanta si rasmi ah ugu wareejiyeen Dekadda Boosaaso shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee lagu magacaabo ee DP-World.


Xaflad lagu qabtay Guddaha Dekadda Boosaaso ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Masuuliyinta Gobalka Bari kan degmadda,Odayaasha Gobalka Bari iyo qaybaha kala duwan ee Ganacsatada magaalada Boosaaso.
Masuuliyiinta Wasaaradda Dekedaha iyo Amniga Baddaha ayaa sheegay in waxa la wareejiyey ay tahay dhismaha Dekeda ee aysan aheyn howlaha maamul ee Dekadda.
Dhanka kale dhawaan ayuu Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu saxiixay heshiiska dhismaha iyo dib u habeynta Dekedda magaalada Boosaaso, kaas oo ku kacaya aduun gaaraya 336 Malyan oo Dollar, waxaana la dhisayaa Deked cusub oo dhererkeedu yaahy 450-Mt.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: