Maamulka Minneapolis oo caruurta Soomaalida u sameeyay xarun madadaalo.

Maamulka dowladda hoose ee Magaalada Minneapolis,iyo qaar ka mid ah dadka Somalida ee ku nool Xaafadda Cedar ee Magaaladaasi ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey furitaankii xarun cusub oo loogu talagalay in lagu madadaaliyo caruurta.

Xaruntaasi oo ay ku baxday aduun dhan 3.3-milyan oo doolar,waxaa loo qorsheeyay in caruurta ay ka  helaan qalabka ciyaaraha iyo goobo kale oo lagu nasto.

Xafladdaasi loo sameeyay furitaankii,waxaa ka qeybgalay Mr.Kowbil madaxa Jardiinooyinka Minneapolis ,Jamaal Cismaan oo ah Guddoomiyaha magaalada lixaad ee Minneapolis iyo waalidiin kale .

Wakiilka Warbaahinta Qaranka Cabi Xakiim Cabdi Ismaacil,ayaa sheegay in adeegyadaan ay yihiin kuwo cusub oo aan horay u jirin.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline