Maamulka Koofur Galbeed oo soo saaray awaamiir ka dhan ah Mooto bajaajka

Ilwareed Online –

Mudooyinkii ugu dambeeyey Magaalada Baydhabo waxaa ku soo badanayey gaadiidka  yar-yar ee loo yaqaan Mooto bajaajka, taasi oo sababtay  in wadooyinka magaalada ay noqoto kuwa ciriiri ah oo ay dadka iyo gaadiidka kaleba  ay  iskula gooshi waayaan.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Maamulka koofur  Galbeed iyo laamaha ammaanka ayaa waxay ay sheegeen in la yareeyo isticmaalka Mooto Bajaajka, isla markaana la isticmaalo taarikooyinka iyo leysanka oo inta badan aysan heysan wadayaasha gaadiidka.

Wadayaasha gaadiidka ayaa sidoo kale la faray in aysan ka yaraan karin 18 sano, ciddii lagu arkana xabsiga la dhigo doono.




Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline