var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Maamulka K/Galbeed oo Qorshaynaya Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab 

#Ilwareed Online #

Wararkakaimaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Maamulka K/Galbeed ee uu madaxweynaha ka yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay kula wareegaan qaar ka mid ah deegaano ka mid ah gobolada Bay iyo Bakool halkaasi oo ay ka taliyaan Al-Shabaab.

Maamulka K/Galbeed ayaa sheegay dhawaan inay qorshaynayaan sida ay dib ula wareegi lahaayeen guud ahaan gacan ku haynta gobolada Bay iyo Bakool oo deegaano ka mid ah ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Shariif Xasan ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ka qeyb-yihiin ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Dowlada Itoobiya ee halkaasi ka howlgala, wuxuuba sheegay in Madaxdii Maamul Goboleedyada ee isugu tagtay Kismaayo inay isla garteen sidii Dagaal mideysan loola geli lahaa Al-Shabaab.

Dhanka kale Maamulka K/Galbeed ayaa marar badan oo hore ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, walina gacan ku heynta deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobalkasi waxaa maamula Maleeshiyaadka Al-Shabaab.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : #ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: