var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

MAAMULKA HIRSHABEELLE OO XABSI GURI KU XUKUMAY ODOYAASHA BEELIHII KU DAGAALAMAY DEGMADA CADALE.

Ilwareed Online

Maamulka Dawlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si xoog leh uga carooday in heshiis laga gaari waayo dagaaladii ka dhacay Tuulooyin hoos taga Degmada Cadale ee G/Sh/Dhexe, isku day uu maamulkaasi ku doonayay inuu ku soo afjaro colaadihii ka dhacay Degmadaasi ayaa horumar sameyn waayay.

Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ayaa sheegaya masuuliyiinta Hirshabeelle inay go’aan cad ka qaateen is marin waaga ka dhex aloolsan labadda dhinac ee halkaasi lagu heshiisiinayay, Warku waxa uu intaasi ku darayaa hogaanka Hirshabeelle inuu xabsi guri ku xukumay odoyaashii nabadeynta u joogay Gobolkaasi.

Sababaha loo xeray odoyaashaasi ayaa lagu macneeyay inay ka dhalatey kadib markii labadda dhinac ay heshiis ka gaari waayeen dagaaladi ka dhex dhacay beelahooda, odoyaasha la xeray ayaa idilkood waxaa laga qaaday Taleefanadii gacanta {Mobile-dii} ay isticmaalayeen.

Talaabadaan cusub oo uu ku dhaqaaqay maamulka Hirshabeelle ayaa la sheegay inuu uga gol leeyahay culeys saar ku aadan sidii heshiis looga gaari lahaa dhibaatadi ka dhacday Degmada Cadale, lama oga muddada ay xabsi guri sii ahaan doonaan odoyaashaasi.

Shirar ku saabsan arinta soo if baxday ayay waxgaradka beelahaasi ku leeyihiin goobo ka tirsan Dalka Gudahiisa iyo Dibaddiisa, hadal haynta ugu faraha badan ee ka jirta Magaalada jowhar ayaa ku saabsan xabsiga la galiyay odoyaashaasi.

31-kii Luulyo 2017 ayay wadahadaladaasi si rasmi ah uga furmeen Magaalada Jowhar, madashii lagu furyay wadahadaladaasi waxaa ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano matalayay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madax ka socotay Dawlad Goboleedka Hirshabeelle ee iyadu fidisay gogosha nabadeed ee la dhigay Magaalada Jowhar.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: