var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Maamulayaasha Iskuulada ku yaal magaalada Jowhar oo la xiray (Waa maxay sababta?)

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay maamulayaasha 7 Iskuulada oo ku yaala magaalada, kaddib markii ay tageen deegaan ay maamulaan Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka maamulayaashan ayaa la xiray, xilli ay magaalada ka soo galayeen koontaroolka galbeed ee magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in maamulayaasha iskuulada ku yaalla Jowhar maalmo ka hor Al-Shabaab ugu yeereen deegaanka Gamboole oo 40KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Jowhar.

Ciidamada Nabadsugida ayaa xabsiga dhigay maamulayaashan, waxaana lagu eedeeyay inay tageen deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, iyagoo fulinaya awaamiirtooda.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar ayaa wali ka hadlin xariga Maamulayaasha Iskuulada.

Deegaanka Gamboole ayaa la rumeysan yahay inay xilligan xarun u tahay Al-Shabaab, waxaana dadka ku nool Jowhar iyo hareerihiisa ay u aadaan arrimo dacwo la xiriira dhul, iyo arrimo kale, halkaasoo ay ku taalo maxkamad ay leeyihiin Al-Shabaab oo dacwadaha qaada.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: