var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Lacago loogu deeqay dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaraha saameeyeen

Ilwareed Online

Xarunta Qaramada Midoobay shirka uu uga socdo hoggaamiyeyaasha Caalamka ayaa sanadkan waxaa shir si gaar ah looga hadlayo arrimaha Bani’aadanimada iyo Abaarihii ka dhacay Soomaaliya sanadkan ku yeeshay Madax hore, Deeq bixiyeyaal iyo Ganacsato.

Madaxda kulanka joogtay ee la xusi karo waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama, Ra’iisul Wasaaraha Canada, Bilgates oo ah ninka ugu taajirsan Aduunka iyo xaaskiisa Malinda Gates.

Kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Deeq lacageed oo gaareysay Hal Milyan oo Dollar, taasi oo loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen Abaaraha.

Intii uu kulanka socday ayaa waxaa lacago badan loo diray Soomaali fara badan, waxaana qofkiiba uu helay 1,000 Dollar, taasi oo si toos ah looga daawanayay aalahaha Internetka.

Arrintani ayaa waxaa dowr muuqda ka qaatay dhalinyaro la magac baxday Love Army, kuwaasi oo dhowr jeer Soomaaliya u yimid si ay uga qeyb qaataan sidii Caalamka loogu gudbin lahaa dhibaatooyinka Abaaraha.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.