var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Kuuriyada Waqooyiiyo Maraykanka Hanjabaado culus is weydaarsaday.

Sarkaal ka tirsan xukuumada Kuuriyada waqooyi oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay mar walba sii wadayaan tijaabada Gantaalada.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee xukuumada Pyongyang Han Song-ryol ayaa sheegay inay tijaabin doonaan Gantaaladooda toddobaad, bil iyo sannad walba.


Mr Han Song-ryol ayaa ka dhawaajiyay in hadii Mareykanka uu isku dayo tallaabo milateri ay ka jawaabi doonaan.

 

Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay inuu ka dhamaaday dulqaadkii uu u hayay Kuuriyada waqooyi, Waxaana madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka Mike Pence uga digay Kuuriyada waqooyi inay sii wado tijaabada hubka Nukleyrka.

 
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka ayaa isheegay in miiska ay saaran yihiin dhamaan talaabooyiinka lagula tacaalayo Kuuriyada waqooyi, Wuxuuna hadalkan jeediyay mar uu booqasho ku tegay xuduuda labada kuuriya.


Dhanka kale Kuuriyada waqooyi ayaa toddobaadkan soo bandhigtay awooddeeda military oo ay ka mid tahay wax u muuqday Gujis cusub oo xambaara gantaalada balastikada.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: