Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Kuuriyada Waqooyi oo Eey ciyay ku tilmaantay khudbaddii Trump *Daawo*

Ilwareed Online

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Ri Yong-ho ayaa ku tilmaamay khudbaddii uu madaxwayne Trump ka jeediyay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey inuu ahaa “Sidii Eey ciyay oo kale”.

Trump oo ka hadlayay kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in gabi ahaanba uu burburin doono Kuuriyada wuqooyi haddii ay khatar galiso Mareykanka iyo saaxibadiis.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Ri Yong-ho ayaa noqotay jawaabtii ugu horeeysay ee ay ka bixiyaan khudbaddii Trump.

Mr Ri oo wariyayaasha kula hadlayay magaalada New York ayaa yiri “xitaa marka uu Eyga ciyayo gaardiska wuu sii soconayaa, haddii Trump uu u maleynayo inuu nooga yaabin karo codka sida Eey ciyay markaas wuu riyoonayaa .”ayuu yiri Mr Ri.

Mar uu ka hadlayay madaxwyne trump hogaamiyaha Kuuriyada wuqooyi ayuu ku tilmaamay nin gantaal sita oo ku jira howlgal ismiidaamin ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu wadaa in khudbad uu u jeediyo golaha guud ee Qaramada midoobey Jimcaha barito ah.

Kuuriyada waqooyi ayaa wali sii wada balaarinta barnaamijka hubkeeda Niyukleerka ,waxa ayna ku gacan seyrtay mamnuucidii ay ku soo rogtay Qaramada Midoobey.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...