Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta la kulmay Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka jamhuuriyadda federaalka soomaaliya kulanka ayaa looga hadlay Furitaanka kalfadhiga 2-aad Dood dheer kadib waxaa la isla gartay Munaasabada furitaanka in ay noqoto 8-Bisha July ee soo socota.

Kalfadhigaan ayaa la Rajaynayaa in uu ka Shaqo iyo kulamo Badnaado kalfadhigii hore, Sida uu dhawaan sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh.Cismaan (Jawaari).

Sidoo kale furitaanka kalfadhiga 2-aad ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan lasoo dhameystiray Dhismaha Guddiyadda Golaha Shacabka JFS oo ay Howl badan u taalo sida dib u-eegista iyo Ansixinta Miisaaniyadda, laxisaabtanka golaha wasiirada iyo howlo kale oo Muhiim u ah Dalka.

=Xafiiska Warfaafinta ee Golaha Shacabka BJFS=

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...