Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Kumaandoska Somalia oo howlgal dagaal ku dilay Saraakiil uu ka mid yahay Wiil uu dhalay Hogaamiyaha Al-Shabaab.

Ilwareed Online –

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Kumaandoska Soomaaliya oo ay taageerayaan Ciidamada Africom ayaa dagaal ku qaaday Fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen Degmada Kuntu waarey ee Gobolka shabellaha hoose.

Ciidamada Dowladda ayaa u sheegay Idaacada Ciidamada qalabka Side, waxayna saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka u sheegeen Idaacada Ciidamada in howlgalka ay si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo Mareynkan ah uu ka dhacay Degmada Kunturwaarey,iyagoo sheegay inay ku dileen 12 Dagaalyahan iyo labo sarkaal oo Al-shabaab ah.

Howlgalkaasi waxaa lagu dilay sidoo kale wiil uu dhalay Hogaamiyaha Al-Shabaab, iyadoo Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay magacyada Xubnaha lagu dilay howlgalka, kuwaasi oo magacyadooda ay ka mid ahaayeen Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur(Faruur)

Dhanka kale waxaa halkaasi lagu dilay Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed diiriye Abuu Cubeyda kaasi oo Magaciisa ay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay ku sheegeen Xasan Ahmed Diiriye Abuu Cubeyda kaasi oo ciidamada ay ku dileen Howlgalkaasi.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...