var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Kulan looga hadlayo hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland oo ka dhacay Garowe

Waxaa maanta Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland lagu qabtay kulan ku saabsan Nidaamka Axsaabta badan ee Puntland kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradiisa , Xildhibaanno iyo qeybaha kale ee Bulshada Puntland.

Qaar ka mid ah Masuuliyiintii kulankaasi ka hadlay oo ay ka mid yihiin Ururrada Doorashooyinka Puntland ayaa si weyn u soo dhaweeyay Nidaamkaasi Xisbiyada badan ee Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay Nidaamka Xisbiyada badan mid horsed u ah sinnaanta iyo weliba meesha cid kasta oo dooneysa in si Nabad ah ay uga qeyb gasho hoggaanka iyo hab maamulka Puntland ay ka soo gali karto haddii qorsho iyo aragti soo jiita Bulshada Puntland ay la yimaadaan.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: