var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Kulan Dhexmaray Ra’iisalwasaare Kheyre iyo Abuu Mansuur

Ilwareed Online

Magaalada Muqdisho waxaa galinkii dambe kulan ku yeeshay Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo kamid ahaa Saraakiisha Al-Shabaab ayaa caawa ku hoyanaya magaalada Muqdisho, waxaana ammaankiisa la wareegay ciidamada nabad sugidda NISA.

Abuu Mansuur ayaa kulan la qaatay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre xarunta sida weyn loo ilaaliyo ee Habar Khadiijo oo saldhig u ah hay’adda Sirdoonka Qaranka, iyadoo warar aanu ka heleyno ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Soomaaliya uu kala hadlay Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) qorshihiisa isbedelka siyaasadeed ee uu kaga baxay ururka Al-Shabaab, doorka uu ka qaadanayo la shaqeynta Dowladda iyo qodobo kale.

Kulanka dhex maray Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Abuu Mansuur oo ahaa mid qarsoodi ah lama sheegin arrimaha ay ka wadahadleen, iyadoo la filayo in madax kale oo ka tirsan Dowladda ay kulamo la qaadan doonaan Abuu Mansuur.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: