var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Kooxo Hubaysan oo xalay qof ku dilay Boosaaso iyo Daacish oo sheegatay falkaasi dilka ah.

Ilwareed Online

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xalay fiidkii Kooxo bistoolado ku hubeysan inay dileen qof oo shacab ah, iyadoo weerarkaasi uu ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Saldhigga Baalade ee magaalada Boosaaso 2-xidigle C/raxmaan Barre Saalax iyo nin shacab ah.


Kooxaha dilka gaystay ayaa maqaayad Shaaha lagu cabo oo ku taala isgoyska Afar irdood ee magaalada Boosaaso, iyadoo maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaasi.
Taliye ku xigeenka iyo ninka shacabka ah ayaa dhaawacooda waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka magaalada Boosaaso, waxaana la sheegay in kooxihii falkaasi weerarka gaystay ay halkaasi ka baxsadeen.
Dhanka kale kooxda Daacish ayaa sheegtay inay weerarkaas iyagu geysteen, iyadoo arintaasi ay noqonayso mid si aad ah loola yaabo in kooxo Daacish ah dilka gaystaan Magaalada Boosaaso.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: