var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Kooxda Real Madrid oo Garoonka Santiago Bernabu Ku Dubatay Atletico Madrid+Sawiro

0

Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu ku dubatay kooxda ay dariska yihiin ee Atletico Madrid kadib markii ay 3:0 bilaa jawaab ah ku dardareen kooxda Diego Simeone oo ku fashilantay inay xittaa wax gool marti ah sii dhashato kulanka lugta hore ee 4-dhamaadka Champions Leaque-ga.
Real Madrid ayaa talaabo wayn sare ugu qaaday inay xili ciyaareedkii 2-aad soo gaarto finalka Champions Leaque-ga ay koobkiisa difaacanayso.
Cristiano Ronaldo ayaa indhaha aduunka ku xaday saddexley goolal ah isaga oo dhulka ku jiiday isla markaana rajadii markale ka dilay kooxda Diego Siemone oo kulankan si buuxda ugu fashilantay.
Ronaldo ayaa kulankii labaad ee Champions Leaque-ga saddexley ka dhaliyay isaga oo kooxdiisa Los Blancos ka caawiyay inay kulanka lugta labaad iskeento iyada oo lug kula sii jirta finalka Cardiff ee Champions Leaque-ga.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.