var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Kooxaha Arsenal iyo Chelsea oo iska xaadiriyay Finalka Koobka FA Cup-ka .+Sawiro

0

Kooxaha isku magaalada ka soo jeeda ee caasimada Ingiriiska Magaalada London ayaa sanadkaan 2016-2017 isagus oo haray Finalka FA- Cupka ka dib Markii ay ka soo kala badiyeen Totenham vs Man city.

Naadiyada Reer London ee Chelsea iyo Arsenal oo xifaaltan adag ka dhaxeeyo ayaa sanadkaan nasiib u yeeshay inay soo gaaraan Finalka waxaana ay tahay kulankoodu mid darbi ah oo si weyn loo sugayo.

Chelsea 4-2 ayey ku garaacday Kooxda Totenham samifinalka Koobkaan halka arsenal ay 2-1 waqti dheerigii ciyaarta ay ku lagaday Kooxda Man city oo ka mdi aheyd Kooxaha ugu adag Wadanka Ingiriiska.

Taageerayasha Arsenal ayaa isha ku haya Macalin Wanger Sanadkaan gacanta ma u saari doontaa FA-Cupka ooa y Koox adag ku dhegan tahay waxaana la isweydiinayaa Wanger Xili ciyaareedkaan 1 Koob Kooxdiisa ma u horseedi doonaa Maadaama uu u ahaa Sanadkiisa wajigabaxa tan iyo Intii u arsenal Joogay oo ku dhow Nus qarniga.

waa la arki doonaa inuu u soo xareeyo FA-Cupka Kooxdiisa Arsenal iyo inuu u gacan galiyo Chelsea oo sidoo akle Rajo weyn ka qabta inay Xili ciyaareedkaan hanato Horyaalka ingiriiska 2016-2017.

kulanka dhexmara 2-da naadi waa mid ka md ah kulamada ugu xamaasada iyo xiisaha badan Dalka ingiriiska waxana xusid mudan in Kooxda Arsenal uu ugu dambeeyay Hanashada FA Cupka 2014-2015,waxaana sanadkii la soo dhaafay ee 2015-2016 Koobkaan qaadatay Naadiga Man Utd oo xiligaasi uu u qaaday Macalinkii Reer Hoolland Vangaal ee isagu hada ka fariistay Kubada Cagta.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.