KHATARTA MIDABKA MADOOW OO LOO BADALO CADAAN MA UGA DIGTAY EHELKAAGA

Waa gashanti afrikaan ah waxay ka xadeen midabkeedii asalka ahaa kadib markay maskaxda u galiyeen midabka madow waa foolxumo ee na soo raac waxaan kuu haynaa dariiqii iyo dawadii aad ku cadaan lahayd! baayo.

Waxaan inyaroo kooban ka sheegayaa,dhibaatada ay keento in qofku iska badalo midabkiisa madaw ee uu ku dhashay,una badalo mid cadaan ah,isagoo u arkaaya arinkaa mid sare u qaadaaya bilicdiisa qof ahaaneed una sameeynaaya soo jiidasho iyo qurux siday la tahay isaga. Hadaba intaynaan u guda galin faa iidada iyo khasaaraha ka dhalan kara arinkaan midab badala shada ah,ayaan is waydiinaynaa horta waxa kan yaa keenay? waase maxay u jeedada ka danbaysaa?

Dunidan aynu ku noolahay waxaa soomaray,taariikho is daba yaal ah,oo taxane ah oo u kala baxa sedex nooc,mid hada qormaysa,mid waayo dhexe iyo mid aad u fog oo xiriirsan ilaa Adoogeen Aadem. Sidaa daraadeed dunidan waxaa soomartay xili ninka cadaanka ah ee timaha jilicsan laga faano lana adoonsan jiray,waxaana qurux iyo haybad lahaa midabka madaw iyo timaha adag,waayo waxaa xiliyadaas boqor ahaa dad madoow oo timo adag. waxaadna ka garataa xiliyadii Nabi muuse iyo fircoon ee masar oo dadka madaw ee faraaciyiinta ahaa talin jireen dadka cadna la quursan jiray oo la adoon sanjiray sababtoo ah timahooda jilicsan iyo midabkooda cadaa darteed,waa markaan ka hadlano uun dhanka midabka.

Waayo aan sidaa u sii fogayn,ayaa dadka madoow markoodii la takooray oo la liiday,maadaama ay boqotooyadii ku wareegtay gacanta dad yawgii cadaanka ahaa. Markaa hadii aysan ama uusan qofku ahayn cadaan timo jilicsan waa la ceebaynayaa la yasayaa oo la quursanayaa,laguna tilmaamayaa muuqiisa iyo midabkiisa mid foolxun.

Hadaba ilaa maanta waxaa wali socda in midabka madoow yahay foolxumo iyo waxaan qiimo lahayn iyo qaayo. Tan waxaan ku joo jinaynaa qaababka ay soomareen midabada oo kolba uu quruxbadan yahay midka haysta boqortooyada dunida. intaani waa intii horaysay markaa maanka ku hayso in ay jirto fikirkaa oranaaya midabka madaw waa foolxumo.

Kolkaa 1950 kontomeeyadii,ayaa la helay daawo midabka dadka madaw lagu badali karaayo,hadaba dawadaas oo markii hore ku timid qaab aan loogu tala galin in dadka madaw loo isticmaalo,ayaa la xakameeyay oo dunida reer galbeedka yurub iyo america laga xakameeyay. Dawadan oo ay soo saareen shirkado maraykan ahi,ayaa u soo gudbiyay 1970 kii dadka madaw ee qaarada afrika. si tartiib ah oo aan dadku wada ogayn ayay u gashay afrika mana badanayn isticmaalkeedu, laakiin wixii ka danbeeyay 1990 kii ayaa loo sameeyay xaysiin daran oo malaayiin dollar ku baxday,kuna wajahan in afrika laga yeelo macaamiil iyo suuq qaata dawadaa midabka madoow lagu suulinaayo.

Shirkadaha reer galbeedka waxaa la tartamay shiinaha oo soo saara,isla dawadaan lana beegsada dadka madaw ee afrika. waxay shirkadahani kasameeyeen malaayiin dollar,waxayna haystaan suuq aad u fiican,waxayna og yihiin in qofkastoo madaw ka cararaayo midabkiisa maadama layiri madaw waa foolxumo cadaana waa qurux marka laga hadlaayo midabka. Ninka ganaacsadaha ahi waxa uu ka fakarayaa waxa dadku jecelyihiin ee ay gadanayaan lacagtana u quurayaan ee soconaaya,kolkaa shirkadaha aduunka waxay ku tartamayaan suuqa afrika ee midab badalka ah,dankale majirto waa siday ku heli lahaayeen lacag oo kaliya.

Hadaba khatarta ayaa ah,in dawadan laga sameeyay kiimiko isku jir ah,waxaana la ogaaday in dubka madaw ee oogadeena sare ku dahaaran,uu hayo shaqooyin aad u farabadan,isagoo ah dareeme. waxa uuna hayaa shaqada jirkeena ka socota qayb weyn oo kamid ah oo ah waa gudbiye dareen,waxa uuna jirka u yahay difaac adag wax kastoo banaanka kasoo weerara sida ilayska iyo falaaraha qoraxda,isagoo celiya inbadan oo falaaro kulul ah inta larabana soo gudbiya si jirku u quuto. waan ka xumahay in aan dhex galo arimo aanan aqoon caafimaad u lahayn,markaa sii dhex galimaayo waxaan u daynayaa dadka dhakhaatiirta ah ee cilmigan ku takhasusay.

Waxaa jira halis caafimaad oo meesha soo gasha maadaama qofku lumiyay xubin kamid ahayd habdhiska jirkiisa ee illaahay ugu talagalay xikmadiisa shaqooyin badan oo jirka aadamuhu u baahan yahay. difaacii ku difaacaayay hadaad iska qaaday,waxaad la dagaalamaysaa naftaadii adoo ku badashay bal in aad foolxumada kaa muuqata ee madawnimo ku badalato qurux ah cadaan sidaad aamintayba oo ay kula tahay adiga.

Cadaan iska yeelnimo naftaada ha u haligin,hana inkirin quruxda midabkaagan madoow ee illaahay ku siiyay kuna mahad celi sidaa fiican ee uu kuu abuuray ee quruxda ah. xasuusana xiligii midabka cadaanka ah uu ahaa foolxumo laga cararo. qaarada afrika waxaa la doonayaa in ay mustaqbalka dhaw noqoto kuwo la tirtiro midabkoodii qurxoonaa ee asalka ahaa. dadka soomaaliyeed waxaan xasuusinayaa xaqmaha dana inooma aha xag caafimaad iyo xag dhaqaale iyo xag diin iyo xag dhaqan iyo xag qurux ahaaneedba in maskaxda laynaga qabsado oo wax kalaba daayoo midabkeenii iyo maqaarka jirkeena loo soo dhigtay si looga sameeyo malaayiin doolar,iyadoo cidina aanay dan ka lahayn kiimikadan laysku cadeeyo dhibkay inagu reebayso.

Waxay kuwa soo saaraa og yihiin in dalalkooda dawladoodu mamnuucday lagumana isticmaalo,waxay gaar u tahay dadka madaw ee qaarada afrika iyo xoogaa hindiya ah oo kaliya. nin walbaa xilbaa kasaaran difaaca dadkiisa iyo ehelkiisa kolkaa soomaaliyeey nin waloow uga dig oo ka qabo oo ka hortag cadawgaas caafimaadkeenii cudur inoogu badalaaya.

Caruurtaada,walaalahaa,gabdho iyo wiilalba iyo dariskaaga ka qabo suntaa laysku cadeeyo. waxaan ka gaabsanayaa marlabaad in aan sii dhexgalo xanuunada iyo waxa laga qaado oo dhaca marka qofku maqaar beelo,waayo ma ihi dhakhtar iyagaa xaq u leh in ay bulshada kala hadlaan khatartaas caafimaad. walaal fiiri reer galbeed iyo shiinuhu kama hadlayaan sunta dalalkooda mabnuuca ka ah ee laynoo keenay hadaynu nahay afrikaan xuquuqul insaankii aaway?

Dharka maxaa loo xirtaa? hadee wuxuu kaa celiya qabawga,kulaylka,dabaysha,iyo haliso farabadan marka laga soo tago in aad cawradaada ku asturato. maxaa dadku hooy u samaysteen ama guryo? waxay ka galaan,roobka,kulaylka,qabawga,dabaylaha iyo duufaanada,iyo haliskastoo jirta. sidaa si lamid ah ayaa maqaarka jirkeenu u yahay difaacii aan ku hoos jiray. kolkaa aan cadawgan doolar doonka ah ka hortagno oo TV yada iyo idaacadaha iyo baraha bulshadaba halaga siidaayo doodo cilmi ku dhisan oo ay ka hadlayaan kuwo aan sidaydoo kale xaniinyo gubayn! balse leh takhasus cilmiyeed oo cad.

Waxaa murugo iyo ciil ah nin cilmi leh oo ku anfici waayay dadkiisa cilmigaa illaahay siiyay kagana bad baadin waayay khataraha dunidan guudkeeda saaran inta tabartiisa ah.