var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Khasaaraha Qarax Miino Oo Ka Dhacay Degaanka Galgala

0

Wararka Ka imaanaya degaanka Galgala ee gobolka bari ayaa sheegaya in Haweenay Xaamilo ah iyo ninkeedii ay ku dhinteen Miinow wado dhinaceeda Lagu Aasay ka dib markii baabuur ay la socdeen uu dul maray Miinadda

Saraakiil ka tirsan dowladda Puntland ayaa Idaacadda VOA-da u xaqiijiyay dhimashada labada qof, waxayna sheegeen in qaraxu uu dhacay shalay galab togga Bali-khadar oo u dhow Degaanka Galgala, abaarihii 05:30kii gelinkii dambe ee shalay.

Ma cadda haddii bartilmaameedku inuu ahaa dadka la weeraray, oo sida la sheegey aanay hubeysanayeen. waxana baabuurka qarxay uu ku socday buuraha Galgala.

Gabagabadii, degaanadda Buuraha Galgala waxaa saldhigyo ciidamo ku leh ciidamadda Puntland, waxaa kaloo degaamadaasi ka howgala Kooxda Al-shabaab oo ilaa sanadkii 2010 dagaal khasaare badan dhaliyay kula jirto ciidamadda dowladda

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.