Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Kenya oo sheegtay inay baarayso Cisbitaalo looga shakiyay inay Daaweeyeen Maleeshiyaad Shabaab ah oo ku dhaawacmay Dagaalo.

Ilwareed Online –

Wararka ka imaanaya Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegaya in Ciidamad Kenya gaar ahaan kuwa ka howl galo gobolkaas ayaa cadeeyay inay jiraan Cisbitaalo ku yaalla gobolkaasi lagu daweeyay maleeshiyaad Al-Shabaab oo ku dhawaacmay weerarada ka dhaca gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in Deegaanada Lamu, Garissa,Tana Riva iyo dhulka ku hareeraysan ay yihiin deegnada ugu badan oo ay ka jiraan Cisbitaalo oo daweeya dhaawacyada Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamo bilaabay howgal laga sameeynayo degmooyinka Lamu, Witu, Garsen, Ijara, Sanhailu, Masalani, Galgmaghal, sida uu soo sheegay Wariye ku sugan deegaan xebeedka Lamu.

Waxaa wali socda baaritaanno lagu baadigoobayo kooxo taageera Al-Shabaab sida uu sheegay Joseph Kanyiri oo ah taliyaha hogaaminaya Howlgalkaas, wuxuuna sheegay Taliyuhu in 26-kii November ee sanadkii hore ee 2017-kii ay ciidamadu heleen 4-far kaartoon oo kiiba ay ku jirtay 20-kg oo ah dawada gargaarka deg daga loo isticmaalo kuwaa oo laga helay xeebta ku Aadan deegaanka Sheel.

Dhanka kale Taliyaha ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sida ay suuragal u tahay In Al-Shabaab ay ka dagaalamaan dhul intaa la eg hadana aanan la arag dhaawacyadooda iyo waliba halka ay ku daawaystaan intabada.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...