JUBALAND OO NOQOTAY HOOY NABADEED SAYID AHMED UU BUD DHIGAY

Sayid Ahmed madoobe waxa uu dhisay maamulka jubaland isagoo magaalada kismanyo ay ku doorteen ergo ilaa 500 oo xubnood ah 15 may 2013 waxa uuna dhidibada u taagay maamul lagu diirsaday oo anfacay dadka dagan jubooyinka oo ku jiray colaad iyo amaan daro baahsan oo daba dheeraatay. dhulkan oo ah dhulka uugu barwaaqada badan dalka soomaaliya oo kulan saday gaar ahaan beerihii iyo khayraadkii bada iyo jaziirado ku haboon dalxiiska iyo xoolihii ayaa waxaa intaa dheer dad farabadan oo ku nool dagaankan.

Jubaland waxaa kamid ah gobolka gedo oo ah mid ilaahay dhigay barwaaqo beer iyo xoolaba sida magaalada quruxda badan ee baardheere oo ah deegaan nicmo illaahay dhigay.

Sayid Ahmed dadkii buu isu keenay oo walaaleeyay oo mideeyay iyagoo awalba ah dad wada dhashay oo ul iyo diir ah laakiin cadaw dano farabadan oo kala duwan lihi ka dhex shaqeeyay oo isku diray. Magaalada Xeebta ah ee quruxda badan ee KISMANYO waxay ahayd mid hooy u noqotay dagaal iyo rabshad joogta ah mudo 20 sanadood ah.Ahamed madoobe waxa uu ka dhigay magaalo nabad ah oo xasiloon dadkeediina isugu yimid dal iyo dibadba oo lawada adkeeyay amaankii iyo kala danbayntii.

Tani waxay dhashay in shacabku habeen iyo maalinba magaalada Kismanyo,si xor ah nabad ah ugu dhex mushaa xaan iyagoon ka baqayn wax amaan xumo ah haba yaraatee taa waxaa ku amaanan maamulka uu hogaamiyo Sayid Axmed madoobe. in dadku helo kala danbayn iyo maamul waa arin waajib ah oo aan sina looga maarmin dadkuna uusan kamaarmin guud ahaan caalamka oo dhan ayaana isku waa faqsan arinkaan ah in lahelo maamul suga amaanka.

Ahmed Madoobe waxaa dib loo doortay cod aqlabiyad ah 15.8.2015 taasoo ay doorteen baarlamanka jubaland iyagoo u doortay madaxweynaha jubaland mudo afarsanadood ah. Ahmed intii uu joogay waxaan orankaraa dhanka isu keenka umada jubaland wuu ku guulaystay wax badan,dhanka amaankana wax wayn buu ka qabtay waloow deegaanada jubaland ay joogaan cadawga jubaland oo aan lag sifayn wali.

Waxaase uugu wayn ee ay hada gaartay jubaland maamul iyo shacab isku duuban,nidaam iyo kala danbayn iyo hanaan dawladnimo,jubaland oo dhisan oo awood leh,iyo in ay hada gaareen wadadii dimuqraadiyada oo baarlamanku dooranaayo si xor ah madaxweyne. waxaana jira muwaa diniin farabadan oo nin waliba u tartamaayo nasiibkiisa siyaasadeed in uu helo kursigaa madaxweyne isagoo xor ah oo diyaar u ah in uu guulaysto ama laga guulaysto,waxa uuna musharax kastaa tiyaar u yahay sidii ka dhacday Puntland in uu u hanbalyeeyo ninkii tartankaa ku guulaysta.

waxay gaartay jubaland hormar iyo bisayl siyaasadeed oo ah in aan xoog iyo qori wax lagu doonin laakiin cod wax lagu kala helo. sidaa daraadeed Ahamed madoobe nidaam buu u jeexay una bud dhigay jubaland hadii laga guulaysto waxa uu noqonayaa Aabihii jubaland oo shacabkiisa jubaland ay jecelyihiin kuna qiimaynayaan waxa uu dhisay had iyo jeer haduu guulaystana oo soo noqdo waa lasoo dhawayn oo hawshiisii ayuu sii laba jibaarayaa iyo sidii ay jubaland u hormari lahayd.

Kursigu sidiisaba waa meerto cid iskaleh majirto waana wax macaan haday naftu barato balse nina kuma waaro kursiga haba jeclaadee. hayeeshee mida u fiican ayaa ah qofkii wax u qabta shacabka iyo dalkiisa inta uu xilka hayo hadii laga qaadana sharaf uga daga si uu san u dhaawicin wuxuu qabtay.

Waxaa muhiim ah maamul wuu yimaadaa wuuna baxaa,wuxuuna u adeegaa shacabka oo u shaqeeyaa,laakiin nidaamka iyo waxa dhisan waa la adkeeyaa oo la xajistaa waxaas oo ah amaanka iyo kala danbaynta. shaqsiyaadku dhib malaha waa isbadalaan. maamulkana cid iska leh oo qandaraas ku haysan kartaa majirto waa wax ka dhexeeya dadka xataa adoo ah kii waxan oo dhan dhisay ayaa lagaa qaadi.

Dadka jubaland dagan ee shacabka ah iyo maamulkuba ha ilaashadeen waxay dhisteen oo ah nabada iyo amaanka ay haystaan maanta, loomana baahna in doorashadu iyo raga tartamayaa ay wax u dhimaan noloshooda iyo amaankooda ay haystaan.

sidan si lamid ah waxaan u rajaynayaa walaalaheen galmudug oo ah in ay ku daydaan nabada iyo wada jirka jubaland iyadoo aan u rajaynayno in ay dhistaan maamul loo dhan yahay oo shacabkaasi yeesho.

Dalka soomaaliya waxaa laga rabaa nabad iyo nolol si taa loo helo waa in la taageeraa si hagar la aan ah dawlada fadaraalka ah ee aynu dhisanay ee fadhigeedu yahay MOGDISHO. waa in aynu noqonaa dawlad xuduudeeda sugi karta dalkeeda difaacan karta oo shacabka soomaaliyeed sharafkiisa ilaalisa. waxaana taa aan ku heli karaa wada jir iyo madaxdeena oo aan adeecno lana shaqayno hagar la aan. suuro gal noqon mayso dad u kala qoqoqoban gobol gobol iyo dagmo dagmo u kala xiran beel beel iyo jifo jifo in ay dawlad noqdaan.

waxaa ceebku ah umada iyo qaranka soomaaliyeed in gobol ama jifo kamid ah soomaaliya u tagaan dawlado hal ah oo dhisan iyagoo uuga waramaaya siraha dalkeena soomaaliya iskana dhigaaya sidii in ay yihiin dawlad oo kale sida ka dhacday maalin dhawayd dalyaroo ku yaala afrikada galbeed Jamhuuriyada Guinea! Run ahaantii waa ceeb iyo khiyaano qaran iyo danbi culus nin dalkiisii xayndaabkiisa ka hoos baxay oo shisheeye war u geeyay. shisheeyuhu shacabka iyo dawlada soomaaliyeed ayay xumaynayaan ee way ogsoon yihiin in dalka soomaaliya uu san lahayn laba dawladood.

Aduunyada waa dalkee dalka yeeli lahaa wadan ajinabi ahi gobolada iyo beelaha dalkaaga hakala qaybiyo oo ha u adeegsado dano guracan? dal aqbalayaa majiro waana arin dawladuhu isku dilaan xiriirkana ku kala qaataan sharciga caalamiga ah ee qaramada midoobay iyo kan afrika u yaalana ka soo horjeeda. waxaa nasiib daro ah in dawlada soomaaliyeed madaxdeeda sare sida madaxweyne farmaajo oo aad marwalba wada dhagaysateen in uu cod dheer iyo mid gaabanba uu ugu sheegay in walaalaheen gobolada waqooyi uu u furay gacmo furan diyaarna uu u yahay una tanaasulaayo wax kastoo dawo u ah dhibkay tirsanayaan, in hadana aan dhaq jalaq loo siin ee laga shaqaynaayo in dalka laga abuuro burbur cusub iyo jabhado cusub oo soomaali dib uu gu celiya halkay kasoo kabanayso. Sidaa in layeelaa maanta ma qabato soomaali. wada hadal geed hoostii iyo walaalnimo majirto waxay ku dhaanto magiciin jiryee.

walaaloow soo dhawoow aan wada hadalo in kibir laga siiqaado dawmaha in madaxweyne farmaajo Hargaysa oo ah caasimadeenii labaad laga soo aflagaadeeyo odayaasha iyo siyaasiyiinta soomaaliyeed ee halkaa dagani Muuse biixina u horeeyo daw maha haba ahaado madaxweynahoodiiye, balse in xurmadiisa uu xaqa u leeyahay la dhawri waayo meesha kuma jirto siday ila tahay. in dadka la sii kala dilaana islaamnimo iyo soomaalinimo iyo mid meel gayn iyaga maha. waxaa dan ah waxaan la hurayn oo ah in dalkeena aan dhisano inagoo isku duuban oo ah soomaali. waxaanse qabaa in dadkeenu isu iman oo aynu guulaysanayno kuligeen si wada jir ah dhawaan.

Madaxweyne Farmaajo wuu ku mahad sanyahay dulqaadkaa aan cidkale xamisheen ee uu u sameeyay walaalaheen gobolada waqooyi hana sii xoojiyo dulqaadka iyo walaalnimada sidaa ayaana ah masuuliyad islaamnimo iyo soomaalinimo waxa shacabka soomaaliyeed farmaajo u doorteen una taageersan yihiin waa daacadnimadaa dul qaadkaas wadaniyadaas iyo soomaalinimadaas uu leeyahay.

Waxaan u rajaynayaa jubaland in doorashadu u dhacdo si nabad ah 30.8.2019, kadibna lala shaqeeyo ninkii rabbi u qadaro kursigaas jubaland.waxaana saaran jubland in ay layimaadaan siyaasad dhisaysa dawlada fadaraalka ah ee soomaaliyeed ee ay qaybta ka yihiin. waxaana reeban in meesha uu kasoobaxo maamul aan la jaan qaadi karayn dawlada dhexe fadaraalka soomaaliyeed oo ah mida dalka oo dhan xukunta fadhigeeduna yahay Mogdisho.shacabka soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo marnaba raali ka noqon maayo maamulkasta oo ka horyimaada dawlada dhexe ee fadaraalka ah si dalkeenu u hormaro dhan walba. dawlada dhexe ee fadaraalka ah waa in ay leedahay xoog dadkuna sidaa u fahmaa.