var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Jilaaga Idris Akuna Elba oo guursaday gabar Soomaali ah

Ilwareed Online

Habeenkii Axadda ee la soo dhaafay ayaa si weyn loo yaqiinsaday Jacaylka Lammaanahaasi, kadib, markii ay si wadajir ah uga soo muuqdeen Xaflad ka dhacday magaalladda Toronto ee dalka Kanada oo uu ku soo bandhigay Filimkiisa cusub ee “The Mountain Between Us”.

Waa markii Labaad ee Jilaaga iyo gabadha saaxiibtiisa ee Sabrina Dhoore ee lagu sawiro iyagoo taagan Roogga Cas ee loo dhigay Festival-ka Filimadda Caalamiga ee .” the Toronto International Film Festival”.

Sabrin Dhoore oo 29-jir ah ayaa la arkayey iyadoo gacmaha is-haystaan Idris Elbe oo 16-sanno ka weyn.

Lammaanaha  ayaa lagu soo waramay inuu xiriir wada sheekeysi H9aasaawe )ka dhexeeyey muddo 7 bilood ah, ka hor inta aanan bishii hore lagu arkin iyagoo wadajira magaalladda Manchester ee dalka Britain.

Jilaaga Idris Elba waa markii ugu horreysay ee la arko xiriirka uu la leeyahay Sabrina Dhoore, tan iyo markii ay kala tageen saaxiibtiisii hore, Fannaanadda Naiyana Garith oo hooyo u ah Wiilkiisa 3-jirka ah ee Winston.

Wararka waxay sheegayaan inay Lammaanahaasi ku-ddhawaad 6 bnilood isla joogeen, laakiin ugu dambeyntii waxaa soo shaac baxay bilowga Furitaanka Mashruuca cusub ee Idris.

Sabrina Dhoore waxaa sannadkii 2014-kii loo magacaabay “Miss Vancouver “, kadib, markii ay ku guuleysatay Tartan-sannadeedka ee Quruxda.

Si kastaba ha ahaatee, Xiriirka Jacaylka ee Idris Elba ayaa ah kii 3-aad ee si rasmi ah u soo shaac baxa.

Jilaaga 45-jir ah oo haatan Aabe u ah 2-carruur, waxa uu guurkiisa koowaad guursaday Hanne Norgaard sannadkii 2003-dii.

Kii Labaad waxa uu dhacay sannadkii 2006-dii,, isagoo guursaday Qareenad lagu magacaabo lawyer Sonya Hamlin sannadkii 2006=dii, balse waxay kala boodeen 6 isbuuc kadib.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

AKHRISO  Xiisad u dhexeysa Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenyan ah oo ka taagan Xadka Labada Dal

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: