var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Jeenyo oo ku soo laabatay wadadii guusha

kooxda Jeenyo ayaa dib ugu soo laabta wadadii guusha,kadib markii ay guul muhiim ah ka gaartay kooxda Elman FC,oo ay ku kulmeen kulan ka tirsan horyaalka Somaaliya.

kulankaan, waxaana Elman FC hogaaminaayay markii ugu horeesay xili ciyareedkaan tababaraha lagu magacaabo Cabdi Joon.

Kulankaan waxa uu qaybtii hore ku soo dhamaaday 0-0, waxa ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa dib u bilaabatay, waxayna labada kooxood halkoodi ka sii wadeen ciyaartii quruxda badneed ee qaybtii hore ee ciyaarta bilaabatay.

Daqiiqadii 68-aad, waxaa Elman FC Calaamadda guduudka ah laga siiyay laacibka lagu magacaabo Xaajoow, kadib qalad uu ku galay daa’uud Tubaal.

Daqiiqadii 75-aad kooxda Jeenyo ayaa dhalisay gool aad u qurux badan,waxaana u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Faysal Xaashi.

Dhinaca kale ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 oo ay ku badisay kooxda Jeenyo, taasi oo ay si weyn ugu farxeen taageerayaashooda.

Tababare Cabdi Joon ayaa la kulmay guuldaradii ugu xooganayd,kadib kulankii ugu horeeyay uu hogaamiyay kooxda Elman Fc.

Elman FC, waxa ay hada ku jirtaa kaalinta Labaad ayadoo leh 28 dhibcood,waxa ayna iska qasaariyeen shalay fursad ay kaga ag dhawaan lahayaeen hogaamiyaasha horyaalka ee Dekedda.

Kooxda Jeenyo ayaa markeedii hore ku jirtay kaalinta shanaaad ayadoo leh 22 dhibcood.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: