JAAMACADA CARABTA OO U HIILAYSAY SOOMAALIYA KADIB MARKAY ARKEEN DAWLAD IYO MADAX AAMIN AH

Waxaan wada ogsoonahay,kuwa dariska u ah Soomaaliya waa Kenya ee inay sharci daro iyo xaaraan ku haystaan dhulka bariga ah ee soomaaliyeed ee NFD. Dhulka oo gumaystihii reer yurub ee ingiriis ku wareejiyay markuu kala qaybinaayay dadka soomaaliyeed,si aysan mustaqbalka u noqon dawlad xoog leh oo haysata dhul aad u balaaran,bad iyo bariba.maadaama ay ku taal soomaaliya meel istaraatiiji ah oo isku xiraysa dunida carbeed ee islaamka ah iyo afrika,Gaalada reer galbeed ma aysan doonayn dawlad xoog leh oo islaam ah in ay ka dhalato geeska afrika.

Damac xumada Kenya oo gadaal gaalo ka riixayso,ayaa damcay in ay ku darsadaan dhulkay hore inooga haysteen,marlabaad bada oo ah mid dheemanka madoow ceegaago. Hadaba kuwo iimaanka beelay,oo aan nasab ahayn garaadkooduna yahay uun helida lacag doolar ah,oo aan dan kalahayn diin iyo dad iyo dal midna ayaa shisheeyihii ku kaalmeeyay damaciisaas oo ka iibsaday bada soomaaliyeed.

Hada oo dalkeena ay ka jirto dawlad shacabku raacsan yahay,dal iyo dibadba laguna kalsoon yahay taasoo lagu doortay madaxweynaheeda Farmaajo cod aqlabiyad ah. dawladaan oo soocelisay inbadan amaankii dalka,soo celisay karaamadii dadka soomaaliyeed iyo dalka intaba,ayaa gaashaanka u daruurtay damacii cadawga isbiirsaday ku dooneen in ay bada soomaaliyeed gacan ku dhigaan oo khayraadka dhex jiifa qaataan.

Aduunku markuu arkay in soomaaliya nooshahay,isku kalsoon tahay dhulkeedana difaacanayso,nin walbaa waa ka cararay la jirkii Kenya.Madaxweyne farmaajo iyo xukuumada soomaaliya waa dad qableh,illaahay aamin san jecel dadkooda iyo dalkooda uuguna shaqaynaya daacadnimo sinaan iyo hawlkarnimo inta awoodooda ah. maha niman ku mashquulsan lacag uruursi sidii xunkii mesha dhaafay ee xasan sheekh oo soomaali god dheer ku riday dad ahaan dal ahaan iyo sharaf ahaanba.

Markay dawladihii dunidu arkeen madaxda soomaaliyeed ee aaminka ah gaalo iyo muslinba wakaa taageeray dawlada soomaaliyeed.Maanta dawaladihii carabta oo dhan shirkoodii qaahira ka dhacay,waxay go aan cad ku soo saareen in Kenya iyo Xulufadeedu qaadan karayn biyaha dawladaha carbeed. waxay muu jiyeen hiil cad iyo garab istaag cad oo aan gabasho lahayn. laakiin su aasha ayaa ah siday ku timid?

Dawladaha carabeed midawgoodu waxay arkeen madax daacad u ah in dalkooda ay ka dhistaan dawlad,in ay dalkooda difaacdaan,musqmaasuqa la dagaalamaan,amaanka gacan bir ah ku qabtaan,sharafka umadooda iyo dalkooda ilaashadaan,rag wadaniyiin ah oo la aaminikaro markay arkeen,way garab istaageen sibuuxda.

Hiilka carabta waxaa keenay,dawlada soomaaliyeed iyo shacabka soomaaliyeed ee gacmaha isqabsaday wada jirna dalkooda u difaacanaaya.markaad soomaalinimadaada ku faanto u istaagto ileen iyadaad wax ku tahay ee nin walbaa waa kaa haybaysanayaa. Soomaaliya maanta waa la kala baxay taariikh ayaa qormaysa nin dalkiisa gadanaaya oo shisheeye daba dhilif u ah iyo wadani difaacaya dalkiisa.

Waxaa sharaf leh shacabka gobolada soomaaliya dagan maha maamulka waa shacabka ee taageersan dawaldooda dhexe ee fadaraalka si buuxda iyo shacabka caasimada MOGDISHO oo dawlada hiil iyo hooba la garabtaagan si somaaliya isaga celiso cadawgeeda shisheeye. amaanka Caasimadeena MOGDISHO waa fiican yahay hada waana sii fiicnaanayaa sibabtoo ah shacabkii iyaa garab istaagay markay fahmeen dawladooda wanaaga ay wado oo garab istaagay si loohelo nabad iyo nolol iyo dawladnimo. dawladnimadu maha gobol iyo qabiil iyo koox midna waa wadajir iyo shacabkoo taageera dawladooda oo xajista garabna istaaga marwalba taana ah soomaalinimo iyo sharaf kuligeen ina wada deeqda.

siday ahaan jirtayba tan tii ka horaysay hadii dawladeenu ahaan lahayd tuugo dalkooda khiyaamaaya walaalaheen carab maanta inama garab istaagteen maxaayeelay xaq umalaha in loo hiiliyo nin isagu gurigiisii dab galinaaya oo dalkiisii iibsanaaya sharaf iyo damiirna aan lahayn. soomaali maanta waa isku duubantahay dawlad iyo shacaba mana jirto madaxweyne la dagaalsan raysal wasaarihiisa oo lagu kala dhexjiro! iyo baarlamaan mooshin quutayaal ah oo dalkooda burburinaaya midna. sidaa daraadeed soomaaliya way iska celinaysaa cadawgeeda shisheeye iyo shisheeye kalkaal.