Isku day in aad sheekadan dhameysato Qore Mahad Abdule Oslo Norway

Isku day in aad sheekadan dhamaysato ood fikradaadana ka soo dhiibato. Mahadsanid.

Saacadu waxay ahay sagaalkii subaxnimo , waxaana da-ayay baraf aad u farabadan, qabowguna waxa uu garaacayay – 20.

Xaafad ka mid ah xaafadaha Oslo oo magaceeda la yiraa Grorud ayaan lugeeynayay , aniga oo sugaya Bass kii igayn lahaa shaqadayda oo markaa soo raagay ayaan is iri bal dib ugu noqo senterka xaafada si aan dhaxanta iyo barafkaba uga galo halkaa.

Markaan ku soo dhowaaday guryihii senterka ku yaalay ayaa waxaa daaqada iigala hadlay qof dumar ah oon ku qiyaasi karo 90+++ oo aan hadalkeeda waxba ka fahmi waayay.
Waxaan arkayay gacmihii oo isku dhagay iyo afkii oo aynan kala furi karin, lakiin isku dayaysa in ay wax ii sheegto lakiin awoodi la.

Waa dabaqa labaad, Waxaan isku dayay in aan fahmo hadaladeeda aniga oo codkaygana kor u qaadaya, hasa yeeshee waan is fahmi waynay.

Waxaan waydiiyay nr ka ay dagantahay iyo magaceeda, runtii taasina iima suurtoobin in aan ku guulaysto.

Laba qofood oo meesha marayay ayaan ka codsaday bal in ay i caawiyaan oo ay islaantan waayeelka ah dhagaystaan, dhamaan tood way i diideen in ay i caawiyaan,
Baskii wuu iga tagay, waxaanan markiiba wacay shaqadaydii aniga oo u sheegay in aan saacad soo habsaami doono.

Laba talo ayay noqotay in aan mid qaato, tan koowaad oo ah in aan policeka u waco una sheego sida ay wax u jiraan, tan labaad oo ah in aan ku dhiirado in aan u galo oon soo caawiyo.

Markaan 10 daqiiqo isla hadlaynay lakiin aan is fahmi la nahay ayaan ku dhiiraday in aan dariska ku garaaco.
Waxaan ku nasiibsaday midkii dhinaca ku hayay oon garaacay nrka albaabka, cidna way iga furi wayday.

Waxaan isku dayay in aan magacyada ajinabiga ah ka baaro si aan kalsooni uga helo.
Waxaan helay magac aan u maleelay in uu ahaa Pakistaan.
Waan garaacay, waa la ila hadklay oon u sheegay waxaan u socdo, waxay igula talisay in aanan galin oonan ku dagdagin , lakiin way ila noqon wayday, Waxaan ka codsaday in ay albaabka iga furto si aan u hubsado.

Albaabkii ayaa la iga furay, markiiba dhinicii dabaqa 2baad ayaan u orday aniga oo u kleexday xaga midigta, waan is dajiyay hubsaday in uu guragani yahay kii ay igala hadlaysay.
Albaabkii ayaan garaacay aniga oo korna u hadlaya HELOO HELOO.

Waxaan markan maqlayaa taah iyo gurguurasho meel dheer ka soo socda. Intii ay soo socotay ayaan waxaan wacay hayàda badbaadada dadka waaweeyn, waxaan u ga sheekeeyay qisada iyo in aan doonayo in aan caawiyo.

Waxay i waydiiyeen magacayga iyo shantayda nambar ee aan ku joogo Norway , waan u sheegay markiiba.
Intii aan la hadlayay ayaan dareemay in ay i baarayeen oo ay police kana siiyeen 5taydii nr.
Waxay ii sheegeen in aan caawin karo oo aan gudaha gurigana u gali karo iyaga oo runtii mahadnaqna ii soo jeediyay baaritaanka ka dib sidaan dareemayay.

Islaantii waxay soo daag taagsataba way iga furtay albaabkii.

Runtii naxdintii abid aan la kulmay oonan halkan ka sheegi karin ayaan arkay.
Waxay ii sheegtay in ayna 3 cisho waxba cunin.

Waxaan dareemay qaboow aad uga sareeya kii dibadda.
Waxaan eegay talaagadii iyo shooladiiba , dhamaantood way bakhtiisanyihiin ama dansanaayeen.
Guriga korontaba way ka maqnayd 3 cisho.
Gudaha qabowgu waxa uu marayay -23. Laba daaqadoodi way iska furnaayeen, suuliga iyo meelaha kaleba lagama sheekayn karo.

Waxaan markiiba aniga oo la kaashanaya islaanta waydiiyay meesha ay korontadu guriga kaga taal, runtii may hadli karin oo waan ku guuldaraystay in aan ogaado goobta korontada laga maamulo.

Waxaan markiiba ku garaacay dariska dabaqa saddexaad oon caruur yar yar maqlayay.
Waxay iga caawiyeen meesha korontada ay ku taalo.
Waxaan ka codsaday in ay isoo raacaan si aan u caawino qofkan baniaadanka ah ee dhibaataysan kaligiina nool
Laga yaabee markaan wadankan imanayay 1987 in aan canshuurteedii ay bixinaysay wax la iga siiyay. Waxaan dareemayaa in aan u abaal gudo canshuurteedii la igu qaabilay 32 nasadood ka hor.

Qaybtii korontada markaan tagay ayaan mid walba qaybtiisii ka badalay , gurigiina sdaa ku siraadmay.
Intaa kumaan ekayne waxaan markiiba u sameeyay shaah iyo rooti meesha yaalay oon u mariyay badhar iyo malab.
Anigiina shaah kale ayaan soo shubtay oon la joogay saacad kale intii ay ka diirayaysay oo kuleeylihii ayaan cirkaa geeyay manadoonayn in aan uga tako mashiinadii kulaylka oo xagii ugu sareeyay taagan.

Waxaan u sheegay magacayga iyo wadanka aan ka soo jeedo, waxaan kaloon u sheegay in aan halkan ku noolaa 32 sanadood.

Intaa kumaan ekayne waxaan mar kale ku celiyay qolooyinka guryaha ugu yimaada dadka waayeelka ah.
Waxaan goobtii uga tagay magacayga iyo nambarka telefonkaygaba.
Islaantii ayaydayda oo kale ahayd waxaann u sheegay in wax walba iska hagaagayaan oo ay is dajiso loona iman doono.
Runtii way igu faraxday iina ducaysay.

Wadaaga yaal hadaba ha ilaawina in aad hareerihiina eegtaan, dariskiina ka war haysaan. Gaal iyo Muslimba waa dadkeenii oo ajirbaad ka helaysaa.

Hadaba badbaadi si mar uun laguu badbaadiyo.

Qore Mahad Abdule.
Share





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline