var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Isku aadka wareega sideed dhamaadka Champions League oo la soo saaray

Waxaa maanta magaalada Zyon ee dalka Switzerland lagu qabtay isku Aadka wareega Siddeed dhamaadka koobka Uefa Champions League-ga, iyadoo ay isku Aadeen kooxaha ugu waaweyna horyaalada Qaarada Yurub.

Kooxda difaacanaysa koobkan ee Real Madrid ayaa ku Aadey kooxda Bayern Munich oo ka mid ah kooxaha ugu Awooda weyna Yurub, halka kooxaha Barcelona oo Taariikh ka dhigay kulankii ay ugu soo baxaysay wareegan ay ku Aadey Juventus, oo ay isku arkeen sanadkii 2015 Finalkii koobkan oo ka dhacey Berlin.

Sidoo kale kooxda Atletico Madrid ayaa ku Aadey kooxda Champions League-ga ku cusub ee Leicester City, halka kooxda reer Germany ee Borrusia Dortmund ay ku aadey kooxda reer France ee AS Monoco.

Akhriso Isku Aadka wareega Siddeed dhamaadka

Atletico Madrid vs Leicester City

Borrusia Dortmund vs As Monaco

Bayern Munich vs Real Madrid

Juventus vs Barcelona

kulamada lugta hore ayaa la ciyaari doono 11-ka iyo 12-ka ee bisha April, halka kulamada lugta labaad la ciyaari doono 18-ka iyo 19-ka ee isla bishaas.

Isku Aadkan Siddeed dhamaadka Champions League ayaa lagu tilmaamikaraa mid ay kooxaha waaweyn isku reebi doonaan.

AKHRISO  Michael Keating oo ka hadlay arrimaha ugu muhiimsan Shirka London

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: