Iscaawintu waa Camal wanaagsan

Sadaqadu waa wax Allaah (Swt) uu na faray in loogu gargaaro dadkeena tabaaleysan ee danyarta ah, Dadka kiisa ladanna uu caawiyo kan miskiinka ah ee tabarta yar.

Bisha Ramadaan waa bisha ugu kheyrka badan ee dadka masaakinta ah caawinaddu gaarto.

In la iscaawiyo waa shey wanaagsan, laakiin dadka sadaqada gaarsiinaya maskiinta intooda badan waxa ay horey u wataan Kaamerado iyo dad muuqaallo uduubo oo marka ay sadaqada bixinayaan sawir uga qaada miskiinka ay sadaqadu gaartey.

Marka la duubayo qof ama la sawirayo sida caadiga ah waxaa habboon inaad ka hesho oggolaasho haddii uusan u diyaarsaneyn qofka ama raali ka eheyn maahan inaad isku sawirto waa arrin ka baxsan akhlaaqda iyo xaquuqda bini’aadannimada.

Dhallinyarada ama Hay’adaha qaar ee masaakiinta caawiyo kama taxaddaraan ilaalinta xuquuqda sawirka ee miskiinka baahan.

Maskiinkuna waxa uu u jeeddo waa deeqdaas yar ee loo taagayo, laakiin haddii la weydiyo waxaa suurta gala inuusan raali ka eheyn in la sawirto, dantuse ku qasbeyso, xaqna maaha qofka dantiisa in looga faa ‘iideysto diinteenuna raali kama aha.

waad isticmaali kartaa sawirka qofka baahan haddii aad oggolaansho ka hesho,  adigoo u sababeynaya inaad  dadka hantida leh wax uga soo qaado iyo in aad qof sadaqo u soo dhiibay aad cadeyn uga dhigeyso

Waa wax aan wanaagsaneyn in aad sawir kaga qaadato ama kaga beddelato sadaqada, adigoo hadafkaagu yahay kaliya dadku ineey ku arkaan inaad sadaqo bixisay, taasina lama yiraahdo sadaqo iyo wax bixin  ee waa is tus tus iyo ku jees jees waayo afcaasha aad sameyneyso ayaa sidaa u ekaaneysa.

Haddaba, Caawintu kuma xirna sawir in laga qaato la caawiyaha, Sadaqaduna sawir maha ee waa Alle dartiis, fadlan waxa aad baxsaneeyso umeel dayo si aysan ujeeddadu kaaga lumin.

W/Q: Xuseen Xasan Rooble Shadoor





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline