var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Is rasaaseyn dhexmartay Ciidamada Puntland iyo Burcadbadeed Haysta Markab Shidaal

Wararka laga helaayo degmadda Caluula ee gobolka Gardafuul ee Puntland ayaa sheegaya in israsaasayn kooban ay dhex martay Ciidamadda Badda Puntland ee PMPF iyo maleeshiyaadka haysta markabka Aris 13 oo ay toddobaadkan qabsadeen.


Cali shire Maxamuud Guddoomiyaha Degmadda Caluula oo la hadlay Warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegay in Dagaalka uu socday waqti kooban, wuxuuna bilaawday kadib markii koox kale oo maleeshiyo ah oo watay Laanji yar ay isku dayeen inay u gudbaan Markabka, hase yeeshee ciidamadda Badda oo ku hareeraysanaa markabka ay ka horjoogsadeen inay gudbaan.

 
Dhanka kale Guddoomiyuhu ma sheegin inuu jiro dhaawac iyo dhimasho ka dhashay israaasaynta, hase yeeshee warar kale ayaa sheegay inuu jiro askari ku dhaawacmay dagaalkaasi, iyadoo markabka Aris 13 oo ku gooshayay Calanka Sri Lanka, ayna maamusha shirkad fadhigeeedu yahay Imaaraadka Carabta waxaa maalintii isniintii ee Toddobaadkan qabsaday Maleeshiyaad sheegtay inay yihiin kalluumaysto dhibaatooyin ay u gaystay maraakiibta jiriifka ee Ajnebiga ah.

AKHRISO  Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo Baydhaba lagu soo bandhigay + Sawirro

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: