var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Iran Oo Cambaaraysay Dilkii loogu gaystay Soomaaliya Shaqaale Markab oo dalkaas laga lahaa.

Ilwareed Online

Iran: Afhayeen u hadlay wasiirka arrimaha dibadda Iran Bahram Qassemi ayaa cambaareeyay dalka Soomaaliya, kadib markii xabado lagu furay Dooni dalkaasi ah oo mareysay xeebaha Soomaaliya, waxaa ku dhintay doonidaasi Kabtanka halka qaar kale oo shaqaalaha ka tirsana ay dhaawacmeen.
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran waxay si dhab ah ula socotay weerarka lagu qaaday Dooni Kalluumeysi oo Iran ay leedahay, waxaan si aad ah u cambaareyneynaa dhibaatada soo gaartay muwaadiniinteena.” ayuu yiri Bahram Qassemi .


Sidoo kale Bahram Qassemi ayaa masuuliyiinta maamulka Puntland ugu baaqay inay si wanaagsan ula dhaqmaan muwaadiniinta ka soo jeeda dalka Iran, oo ay ixtiraamaan bani’aadanimada.
Doonta ayaa mareysay xeebaha maamulka Puntland, sida uu sheegay Col. Maxamed Cabdi Xaashi, doonta waxaa xabad lagu furay kadib markii ay sameysay amar-diido.

Sidoo kale Todobaadkii hore ayey aheyd markii la sheegay in dad Iran u dhashay lagu dilay xeebaha Soomaaliya kadib howl-gal halkaasi laga sameeyay.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: