Indhaha Dadka Soomaalida Weli Kuma Baraarugin!!!

Soomaaliya waxaa ka jira gaar ahaan Magaalada Muqdisho isbedelo xoog badan oo xawaare sare ku socda marka laga eego dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshada, tan iyo wixii ka dambeeyey soo ifbixii xukuumadda Nabad iyo nolol.

Waxaa jira dad Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Muqdisho oo ujeedooyin kala duwan ka leh nolosha magaalada in ay ahaato xili kasta, hadba sida ay rabaan.
Waxaa ka mid ah dadkaas qaar doonaya in ay magaalada xagga Amaanka ay caga dhigito oo ay noqoto meel baraaraysan oo lagu soo wada hirto, iyo kuwo kale oo kuwa hore ka tira yar oo aan marnaba ogolayn, in ay magaalada xasisho dadka ku wada noolna ay ahaadaan walaalo oo kale.

Kuwaan danbe waa dad lawada yaqaan inkastoo gadaalahaan dambe ay ku soo biireen iimaanlaawayaal kale oo nolosha kaga Soo dhacay Yurub iyo qaaradda Maraykanka, waa dadkii weligeedba diidi jiray iyaga oo wadamo kale jooga in dawlad Soomaaliyeed ay curato islamarkaana qaran Jira la noqdo.

Waa raggii waligeedba ka hor imaan jiray ololayaasha dadka dibadaha ku nool looga dhaadhicinayo in dalka iyo dadkiisa ay wax la qabtaan maadaama dadka gudaha dalka ku nool ay dadaalayaan, oo ku dadaali jiray in ay qabiil ku kala qaybiyaan dadka muwaadiniinta ah ee hawshaas u istaagay iyaga oo dan kale lahayn.

Sidoo kale markasta oo wax isku tolmaan ama ay muuqato bidhaan ifaysa oo dawladnimo waa kuwii Jilaafooyinka iyo hantaqa u dhiggi jiray si aan lug iyo laan la isugu xiran oo weligeed lagu jiro soo dhawaynta hoog iyo ba’ cusub martina weligeed loo ahaado meel aan la aqoon iyo mugdi iyo madaw aan waxba la arki Karin.
Intaas waxaa magaalada Muqdisho u dheer Ganacsato Soomaali ah oo aadanba moodin in ay rumaysan yihiin Maalinta Qiyaame.

Iyaga oo danahooda gaarka ah eegaya Ganacsatadu waxay umadda u soo daabulaan cunto kasta oo dhacday oo ay iska soo diideen dadkii markii hore tacbaday, waxayna toos uga soo dejiyaan dekadaha dalka oo dhan waxayna Suntaasi ka macaashaan labalaab ama sedex laab lacagtii ay ku soo iibsadeen markii hore.

Ganacsatadu maadaama ay aaminsan yihiin shilinkooda oo kaliya isla markaana waxa looga haybaysanayo ay tahay Baasadooda, waxay dilaan cid kasta oo wax ka sheegta Ganacsigooda xaaraanta ah ee ribixa iyo kororsiimada kaliya ku dhisan isla markaana isa soo muujisa iyaga oo mutaxan.
Waxay gudahooda isku sameeyaan dilal aan dadka kale u muuqan Karin maadaama loolan ganacsi iyo wax badsi ay ku jiraan, waxayna isku sameeyeen dagaal dhaqaale iyada oo kooxo kooxo ah, koox kastana waxay ka shaqaysaa kuna dadaashaa sidii ay suuq uga saari lahayd qolada kale iyagana u noqon lahaayeen dadka baladka dhanka dhaqaalaha ka muuqda.

Iyada oo dhibkaas lagu qabay ganacsato ku sheegta dalka joogta ayay misana Waxay baad joogta ah siiyaan argagaxisada gumaadka ku haysa umadda soomaaliyeed, si ay uga ilaashadaan naftooda iyo maalkooda xaaraanta ku bulaalay. taasna indhaha Soomaalida cusub ma arkaana waxaana ka qarinaya sida aan malaynayo dhibka joogtada ah ee dulsaaran dad ahaan.

Sidoo kale waxaa jira qawlaysto ka madax banaan Argagaxisada, iyo Ciidanka dawladda isuna ekaysiiya xagga falalka dilka kooxaha Argagixisada ah, xagga dharkana u eg Ciidamada Dawladda, waxay had iyo jeer meeraan daafaha magaalada iyaga oo dhuumasho uga jira labada qolo ee loolanka magaalada ku jira, waxayna ka dhex faa’iidaystaan iska soo horjeedka labadaas qolo, waxayna magaalada ka sameeyaan wax kasta oo ay doonaan, waxaana qowlaysatadaas mararka qaar adeegsada qayb ka mid ah Ganacsatada xaaraan ku naaxayaasha ah iyaga oo siiya qaar ka mid ah hantidooda si ay danaha ay leeyihiin u fuliyaan markasta oo ay u baahdaan.

Waxaa magaalada joogo argagixiso magac islaam huwan laakiin ka aradan dhaqan islaam, iyo taageerayaal aan danahooda aqoon oo iska dabayaaca hadba xooggii Soo baxa oo indhahooda qabtaan, Ama halhays cusub oo Awrkukacsi ah la yimaada markii ay dhib sameeyaan Argagixisada Idaacadaha maxaliga ah ka qaylo dhaamiya iyaga oo si bareer ah u sheega in ficilada wax iska caabinta ah ee Ciidanka dawladda ay sameeyaan iyaga wax loogu dhimay, laakiin kuwaas waxaa isaga darsan kala ogaanshaha nacabka ay taageerayaan in ay la mid yihiin, iyo in ay yihiin dad kaloo ka madax banaan oo aan mudnayn in la wax yeeleeyo.

Runtii waa yihiin waxa ay iyagu isu malaynaynin maadaama ay garab siinayaan cadaw umadeed oo iyaga ugu sheekeeyey in ay Islaam hirgelinayaan, laakiin taas bedelkeeda u adeegaya Cadwga Diinta islaamka ah ee xaqiiqiga ah, wayna mudan yihiin dhibka ay ka cabadayaan iyo mid kaloo ka sii xoogan haddii la gaarsiin karo, sababtuna waa in ay kuwaas ka sii xun yihiin cadwga argagixisda ah ee dadka iyo dawladuba dagaalka kula jiraan

Fiiri: argagixisada ay Gaashaanka iyo Garabka u yihiin dadkaasi waxay dilaan dadka qiima galka ah, sida aqoonyahanada, kuwa aragtida dheer leh, kuwa fahma dibindaabyada ay dadka iyo dalka u gaystaan, waxay dilaan cid kasta oo six un u aragta falalkooda nijaasada ah, iyo ruux kasta oo wax ka sheega, waxay kaloo dilaan haweenka kuwooda caqliga saliimka ah leh, ee ogaada in argagxisdu aysan ahayn wax lala sii deganaado meelaha ay joogaan….
laakiin uma malaynayo in taasi lagu baraarugsan yahay, maadaama argagaxisada ay adeegsdaan mararka qaar xubno muuqda oo ka dhashay Qabaa’ilda sida tooska ah iyo sida dadbanba uga soo horjeeda dawladda Soomaaliya.

Waxaa kaloo jira xubno labada Aqal ku jira oo aan sidaas u sii tira badnayn oo caloolaha ka buka, mar kastana dhaliil aan kala joogsi lahayn u soo jeediya dawladda Soomaaliyeed, waxay gudaha Baarlamanka kor ugu qayliyaan in shaqada dawladda ay hayso ay tahay mid aan u cuntamin dadka soomaaliyeed ee ay wakiilada u yihiin, { Sidii oo ay yihiin Shaybaarka qura ee wax lagu ogaado } waxay hadaladooda sabab uga dhigaan in dawladda ay tahay mid hawlaheeda dhanka Amaanka ay habacsanaani ku jirto, waxaana laga yaabaa in kuwaasi markaad dhagaysato warkooda aad u qaadanayso wakiilada Argagxisada ee golaha, waxaase wax laga xumaado ah in ay taasi dadka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsanayn, waxayna xildhibaanadaasi markastaa ku mashquulsan yihiin kala gaynta xubnaha kale ee barlamanteeriga ah, waxaase qof ahaan ii muuqda in maalin maalmaha ka mid ah la ogaan doono,.

Waxa sidoo kale jira kuwa sheegta in ay yihiin mucaarad wadaniyiin ah, asii shaqadooda ay tahay wax dumin iyo iska horkeen, waxay madaxda sare had iyo jeer ay ku cadaadiyaan in ay fuliyaan dalabyada xaaraanta ku ah shuruucda dalka iyo dawladnimada, haddii lagu yiraahdo sidaan ma aha caqli gal ee bahasha dhanka kale ka eega oo wax noo hambeeya, waxay meediyaha iyo baraha bulshada ku soo bandhigaan dacaayado rakhiis ah iyo wax ka sheegga dawladda iyaga oo ka faa’iidaysta wax xeerinta dawladda ee waayeelnimada ku dhisan, markaas bay isu muujiyaan dad aan laga maarmin oo dhulka iyo cirka kala haaya.

Waxaanse shaki ku jirin in maalin ay imaan doonto ama ay muuqan doonto awoodda dawladda, wixii ay barteen ee sharci darada ahaa kuwaasi ay eedi doonaan, ileen waxay soomaalidu tiraahdaa Tixsigii Malagiisa Galay Baa Fuud Kulul Dabaashee, Markuu dalaq Yiraahdaa Nolol Ugu Dambaysee!! Mar aan sii dheerayna dhagaha muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay maqli doonaan in rag fara badan oo laf dhuungashay oo kale ku noqday Horumarinta Dawladnimada in sariirahooda laga waayi doono..laakiin waxaan filayaa in araintaasi ay shacbiga Soomaaliyeed aysan ku baraarugsanayn, hase ahaatee uu dareen dadnimo oo wayn uu jiro.

Arintaan waxay I soo xusuusisay ay ku kacayaan taageerayaasha argagaxisada nuuc kasta ay yihiin Gabay uu tiriyey Abwaan dhoodaan oo qaabqoraalkiisu ahaa:
Gardarooy waxbaad gaysataa goor Iyo Ayaane——- Gefki Aad Sameeysaa Batiyo Godobahaagiiye Gashi aan yarayn baad qabtaa jeer lagaa gudo’e——- Waxaad gooyso mooyee la waa nimaad gargaartaaye—————- Gurigii Barwaaqaysan Baad Gubi taqaanaaye——- Ruux aad gargaartaa wallee guul ma xoogsado’e————— Adiga iyo geeridii dadkii waad gablamiseene.

Gabagabadii waxaa haboon in ruuxa karaamaysan uu kala garto wixii aan qaab lahayn oo uu dadka uu la nool yahay ay ugu horeeyaan, laakiin haddii uu sida dugaagii ama xoolaha la dhaqdo oo kale uu dhaqan ahaan u muuqdo, Abuurista Aadaminimo wax macno ah ma samaynayso, sababtuna waxay tahay suuradda Aadaminimo haddii uu hagi waayo caqliga loogu tala galay, maxay tan xoolaha dheer tahay, sidaas oo kale Aadane gacan siinaya Qar iska tuuryo naftooda haligaya maxay suradiisa taraysaa mar haddii uu gacan iyo garab siinayo mid kaloo naftiisa aysan meel lahayn-

———- taasna dadka Taageera argagagixsada kuma baraarugsana sida aan qiyaasayana maalin uun bay ku baraarugi doonaan aan maanta ahayn, markaas ayayna isu arki doonaan in ay ahaayeen dad qaldamay, ogaanshaha qaladka markii la jabo ka dib waxaan qof ahaan u arkaa in uu yahay qalad kale iyo dadnimo xumo hor leh—- Waayo? Kuwii aad gacan saarka la lalahayd, oo aad ka hor imaatidid waaye, taasna gumaad hor leh oo kugu yimaado kaligaa iyo mar kale waaye!!


Waxaa Qoray:

C/risaaq Axmed Absuge!!





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline