var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

In ka badan 30 Ruux oo Soomaali ah oo ku dhintay Duqeyn ka dhacday Dalka Yemen

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho oo ka dhashay Weerar duqeyn ah oo ka dhacay Xeebaha Dalka Yemen oo ay ku dhinteen tobanaan Ruux oo muhaajiriin Soomaaliyeed.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Yemen ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee Reuters in Weerarkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 31 Ruux oo Qaxooti Soomaaliyeed ah.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Maxamed Al –Alay ayaa waxuu xusay in Duqeyntaasi ay fulisay Diyaarad nuuca helicopter-ka loo yaqaano, waxuuna intaasi ku daray in Soomaalida halkaasi ku dhintay ay ku sii jeedeen Dalka Suudaan.

Soomaalidii weerarkan ku dhintay ayaa dhamaantood waxey heysteen Dikumiintiyo aqoonsi oo ay siisay Hay’adda UNHCR oo arimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Badbaaxe Ibraahin Cali Zayed ayaa waxuu sheegay in 80 kale la soo badbaadiyay kadib markii uu dhacy weerarkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay Doonidan la duqeeyay ay ku sii jeeday Dalka Sudan, maadaama Dalka Yemen ay ka jirto colaado u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo falaagada Xuutiyiinta.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Duqeyntan balse Dalka Yemen ayaa inta badan waxaa weeraro dhanka cirka ah ka fuliya Diyaaradaha Dagaalka ee Xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga.

AKHRISO  Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhagax dhigay xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jisniyadda.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: