Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Imaaraadka oo xeredii ciidamada booliska badaha Puntland iska wareejineysa

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegaysa xeredii iyo ciidankii ay tababareen ee booliska badaha Puntland (Puntland Maritime Police Force) (PMPF) 6 sano kaddib oo ay Imaaraadku gacanta ku hayeen.

Saraakiisha Dowladda Imaaraadka ayaa isaga baxay guud ahaanba deegaannada Puntland, waxaana ilo xog’ogaal ay ku waramayaan in ay isku dayeen in ay horey usii qaataan qalab muhiim ahaa oo yaalay Xereda ciidanka PMPF. Inkastoo arrintaas ay gaashaanka u daruureen mas’uuliyiinta Dowladda Puntland.

La wareegista ciidanka PMPF ayaa Dowladda Soomaaliya waxay u wakiilatay Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo xilligaan ku sugan deegaannada Puntland.

Fulinta go’aankaan ayaa ku yimid is-faham buuxa oo ay wada-gaareen Puntland Iyo Dowladda dhexe. Waxaana tillaabadaan ay saldhig u tahay go’aankii DF kasoo baxay 12 April 2018 ee la xiriiray in ay guud ahaanba Imaaraadka ay kala wareegayso xeryaha iyo ciidamada Soomaliyeed ee ay tababareen.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...